Gabayaa iyo qoraa Pakistan ka soo jeeda oo la odanjiray Adib Mizra ayaa qoray qisadan cajiibka ah.

0
Thursday May 04, 2023 - 16:53:01 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabayaa iyo qoraa Pakistan ka soo jeeda oo la odanjiray Adib Mizra ayaa qoray qisadan cajiibka ah.

    Maalmo markii ay tageen, hooyaday waxa iiga timi warqad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalmo markii ay tageen, hooyaday waxa iiga timi warqad


Dalhi ayaan u shaqo doontay Lixdameeyadii, maalin maalmaha kamid ah waxa aan ka dagay Baskii aan la socday, jeebaddayda ayaan taabtay, isla markiiba waxa aan ogaaday in la I xaday. Jeebadda waxa iigu jiray 9 Rubbi iyo warqad aan hooyaday u qoray oo aan islaha u dir.


Warqadda waxa ku qornaa [ Hooyadaydii naxariista badnaydeey shaqadii waa la iga eryay, bishanna kuuma soo diri karo 50 kii Rubbi ee joogtada aan kuugu soo diri jiray].

Warqaddu sadex cisho ayay jeebadda iigu jirtay, waxa aan rajaynayay in aan diro marka aan dhawr Rubbi oo kale helo. Marka sagaal Rubbi la eego wax sidaas u badan may ahayn,hase ahaate marka la ii eego aniga oo shaqadaydii la iga eryay, wixii aan adduun haystayna 9 Rubbi ahaayeen, waxay ila ahayd in la iga xaday 9000 oo Rubbi.

Maalmo markii ay tageen, hooyaday waxa iiga timi warqad ay ku soo qortay: [ 50 Rubbi ayaan ka helay xawaaladdii aad soo dhigi jirtay, alla hooyo wanaagsanida, wakhtigeedii ayay ii timi lacagtu adoo shaqadii lagaa eryay waliba. Arsaaq barako leh ayaan kuugu duceeyay].

Maalmo dhan ayaan yaabbana, wareersana, yaa hooyaday u diray lacagta waa yaabe? Maalmo kadib waxa ii timi warqad dirqi lagu akhriyayo fartay ku qorantahay marka la eego, waxa ku qora: 

[ Ciwaankaaga ayaan ka helay galkii warqaddaada, 9 Rubbi waxa aan ku daray 41 Rubbi oo aan hore u uruuriyay, kadib waxa aan ku diray ciwaanka galka warqaddaada ku qoran, inbadan ayaan ka fikirayay hooyaday iyo hooyada, kadib waxa aan idhi, maxay hooyadii gaajo ugu seexanaysa oo aad u qaadanaysa laba danbi].

Nabadeey.. waa Tuuggii Baska kugu xaday.

WQ: Taariikh iyo Aasar.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...