Intaan sheegtay Soomaali Allahayow iiga danbi Dhaaf!, Qaybtii 9aad.

0
Thursday May 04, 2023 - 11:43:24 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Intaan sheegtay Soomaali Allahayow iiga danbi Dhaaf!, Qaybtii 9aad.

    Waayo waxa ay ahayd sanadkii 2021 kii markii aan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waayo waxa ay ahayd sanadkii 2021 kii markii aan



Hadii lagu Sheelo waa lays sheegaa,


Waa Taxanihii aynu qoraal wadnay ee sida Mahiigaan Da'aaya ama Miiraale Roobaad oo xareedii butaac tahay weli inoo qulqulaayee, Xagee qoraal Burqanaynay? Waxaynu sidii Tog u Rogmanaynay ………….. Mar hadii Ummadii isku haysato wax aanay cadayn u hayn wixii cadaynta loohayeyna u muuqan Dee malaha Ummadu way Qataaran yihiin ama Baaban yihiin?!,



Waayo waxa ay ahayd sanadkii 2021 kii markii aan………………Socdaal kadis ah oo aanan qorshayn ku tagay Jamhuuriyada barakaysan markaas oo Qaylo dhaan iiga timid Hooyaday oo Hargeysa uu ku halleelay xanuun kusoo bood ahi, Aduunku maaha goob lagu waarayo se waa meel eebe uu u qoondeeyey Adoomihiisa ruux iyo wakhti go'an oo korodhsi lahayn oo Illaaheena weyn ee weligii Jiraha ahi uu Cayimay, waa xaqe markii aan gaadhay Hargeysa mudo yar dabadeed waxa xaqii u yimid Hooyaday Macaan oo aan God dhigay, waxaanan Illaahay ku mahadinayaa in uu noo suurto geliyey goobtii Hooyaday naga dalabtay in Hoygeeda rasmiga ahi uu noqdo oo aanu goobtii ay naga dalabtay ee ay nagula Dardaarantay aanu Bud-dhignay oo Xawaalkii Hooyadayo uu noqday, Illaahay naxariista Mudnaanta leh ha u naxariisto oo Jannooyinkiisa naxariista leh eebe Hoy hawga dhigo iyada iyo intii Hooyo xaqii u yimi iyo Dhamaan Hooyoleyda iyo intii Alle rumaysnayd ee godgashay, inakana Allah haynooga daba naxariisto Aamiin.

Geeridii Hooyaday dabadeed mudo ayaan kusii nagaaday dhulkii Hooyo waxaanan kullamo la yeeshay Dad aan Aqoon bidaayey iyo Masuuliyiin Qaran, oo ugu horeeyeen masuuliyiin ka tirsan Jaamacada Hargeysa, Runtii waxa aan aad ugu Mahad celinayaa xubnihii aan la kulmay ee Jaamacada Hargeysa,

Waxa se jiray nin oday ah oo Bare-sare ah oo aan u goolmoonaa la kulankiisa oo Runtii sidaan ka rajaynaayey aan noqon!, waayo waxa uu ahaa Bare-sare waxa uuna ahaa Nin oday ah oo Aqoon leh, isaga oo ah Bare-sare oo Jaamacada ah hadana waxa uu ahaa Qoraa, Qoray Buuggaag Dhowr ah oo ka hadlaaya Cilmi iyo Taariikh taas oo ahayd sababta aan usoo Bar-tilmaamsaday, aniga oo ku rajo weynaa la kulanka Baraha-sare uu noqonaayo mid midho dhal yeelanaaya, hase yeeshee qaadan waa' ayey ugu nuqotay waxa aan kala kulmay Barahaa Sare, waayo xidhiidh telefoon iyo 'email-lo' aanu iswaydaarsanay waxa aanu kulanay bishii koowaad 2022kii waxa aanu ku kulantay mid kamida hudheelada Waaweyn ee magaalada Hargeysa waxa ay ahayd salaadii maqrib dabadeed goorta aanu iskugu tagnay goobta ama hudheelka aanu ku balanay waxa aanu wada joognay goobtaa mudo saacado ah, waayo waxa aanu kuwada Tukanay salaadii cishaha Masaajid goobtaa ku dhex yaalay, salaada cishe dabadeedna kulankii iyo fikir iswaydaarsigii ayaanu halkii kasii anbo-qaadnay ilaa goor cawaysin danbe ah, halkii ayaanu wada joognay Baraha-sare, waxa se kulankayagaa gabagabadii uu noqday mid waji gabax uu ka muujiyey Barahaa sare, dooda aan soo hor dhigay!, waayo, wax male abuur ah may ahayn dooda aan gudbinayey waxa ay ku qotontay, se waa mid sal u ahayd oo aan ka duulaayey xogta Afka, dhaqanka iyo aasaarta Qadiimiga ah ku duugan, taas oo sida aan ka dareemay Baraha-sare rayiga ama fikirka aan soo hor dhigay, ama lawadaagay uu ugu muuqday mid Buuggaagta uu Qoray Barahaa sare ka rayi duwan, taas oo u sabab tahay Dhanka uu Baraha-sare wax ka eegay iyo Dhanka aan anigu ka eegay, in aanay isku aragti ama daymo ama dhugasho ahayn, se ma ahayn mid aan anigu uga jeeday mid Shactirayn iyo Toodhakh toona ah, se iga ahayd dood cilmiyeed iyo Fikrad isweydaarsi, waayo aqoontu waa raadis taxan oo maalinba heer joogta, Maxaa yeeley marbuu Dadka aduunku aaminsanaa in Dhulku badhtamaha meerayaasheena yahay oo wax kasta oo Cadceedu ku jirtaa ay ku duuraan!, waxa se maanta laysku raacsan yahay in Cadceeda, Meerayaasheenu ku wada duuraan!. Sidaa aawadeed Barahaa sare wuxuu ku jiraa Dad Aqoon yahano ah, oo aan xurmo iyo qadarin karaamo leh aan u hayo, oo Qoray Buuggaag ay kaga hadlayaan Sooyaalka taariikhda Ummada bariga Afrika ama Ummadeena Guud ahaan taas oo ay ku muujinayaan ama ku tilmaamayaan in Dadka aynu ka joognaa ahaan jireen Ummad caabudi jirtay wax yaabo kale, Halka anigu aan Rumaysnahay rayi kaa ku lidi ah, aniga oo ku caddaynaaya Afka, Dhaqanka, iyo Qoraalada qadiimka ah ee ku xardhan goobaha Qadiimka ah, si kastaba ha ahaatee Barrihii-sare ee Buuggaagta ka qoray taariikhihii hore waxa uu ii muujiyey Dib u gurasho iyo in uu xirfadiisu tahay LAAN kale oo xidhiidh la lahayn aasaarta Qadiimiga ah iyo Taariikh toona, Se, ay u gaysay Buuggaagta uu Qoray Xiise uu u qabay Taariikhaha qadiimka ah, iyo in ay ahayd wax uu xiliyada uu firaaqada yahay uu ku maararoobo ama wakhtiga isku dhaafiyo waa sida ay iigu duxeen weedhihiisuye, sikastaba ha ahaatee kulankaa na dhex maray aniga iyo Baraha-sare kamaanu midho dhalin kulan danbana namuu dhex marin inkastoo xidhiidh aan la sameeyey Bariido fiican badan iyo salaan wax dhaafsiisan maanu wadaagin.

Waxa iyana jiray Dhaqtaro ah cilmiyada taariikhda iyo qaar ah sida aasaarta loo raad raaco oo Buuggaag ka qoray Gayiga iyo dadkii hore ee bariga Afrika in aanay ii suurto gelin in aanu kulan Fool ka Fool ah yeelan.

Waxa isna xidhiidh lasoo sameeyey Dr Jaamac Muuse Jaamac oo ah Gudoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, waxa ay ahayd mudo kahor intaanan Dhulka Hooyo kadiska ku iman in aan xidhiidh la sameeyey, run ahaantiina si diiran oo xurmo karaamo, Aqoon iyo Garasho ku dheehan tahay ayuu igu qaabilay oo qoraalo ama "email" aanu kuwada xidhiidhnay Dr Jaamac si hagar la'aan ah ayuu iigu soo fal celiyey, hase yeeshee nasiib daro markii aan imid Dhulka Hooyo may ii suurto gelin in aanu kulano.

Hadaba Mar hadii Dadkii labeenta aqoonta aan u arkaayey inkastoo aanan waraaq magacyo badani ku qoran yihiin Intaan qaatay aanan mid mid u saxin!, hadana dad door ah oo anigu aqoon ku tuhmaayey waan isku dayey in aan la xidhiidho si aan fikir iyo aqoon la wadaago se Illaahay ayaan qadirin, sidaa aawadeed waxa aan u jeestay Dhanka xukuumada Jamhuuriyada barakaysan si aan masuuliyiin xillal u igman aan Rayi la wadaago, waxa aan ka…………. Lasoco Qormada danbe.


Hooyoley Hadalka iyo Aqoontay isku gartaan, Xooluhuna Urta,

Soomaal/Soolis na Qabyaalada!.

Fuad Fartaag 03-05-2023

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...