Boqortooyadii Aadan-madoobe

0
Thursday May 04, 2023 - 11:40:20 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqortooyadii Aadan-madoobe

    Waad wada salaaman tihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waad wada salaaman tihiin.


Waad wada salaaman tihiin.

1- Boqor Cismaan Buurmadow, waxa uu qorey:
"Haddii runta laga hadlaayo, Saldanaddii Isaaq ugu horaysay waxay ahayd, Saldanaddii Boqor Madoobe."



2- Xildhibaan Axmed Cabdi Ibraahim, waxa uu yidhi:
"Boqorkii ugu dambeeyey'i, waa Boqor Aadan-madoobe."


Sidaas darteed, Boqorkii Guud, ee Isaaq, inuu Boqor Aadan-madoobe ah (Boqor Aadan Maxamed Abokor ah), inuu ahaa, oo Boqortooyada Isaaq, ay Beesha Aadan-madoobe dhaxal u leedahy, ayay Boqor Cismaan Buurmadow iyo Xildhibaan Axmed, inoo sheegeen.


Su'aashu, waxa ay tahay:
Xaruntii Boqortooyada Aadan-madoobe, waa halkee?
Jawaab: Waxa suurto-gal ah, inay Ceeldaraad ahaan jirtey. Sababta oo ah, sida la sheegey, Ceeldaraad waxa ay ahaan jirtey: Magaalo-xeebeed deked leh, oo xidhiidh ganacsi adduunyada inteeda kale la leh, oo Qalcado waaweyn leh, oo dhismayaal qadiim ah leh, oo nasiib darro, laakiin aasantey; oo duugantey.


Sidaas awgeed, baadhitaan dheer, oo aqoonyahannada aasaartu, ay Ceeldaraad ku sameeyaan, ayaa loo baahan yahay - bi idni Allaah.


Tixgalin mudnaan badan leh.
Maxamed Sheekh Daahir


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...