MAXAMED X. IBRAAAHIN CIGAAL Astaantii Siyaasadda Geeska Afrika Geeridiisa ka hor Laba Nin oo mid sii sheegay calaamadaha Magaalada uu ku dhintay, Iyo Nin ka waramay goobta lagu Aasi doono Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf
Maxamed X. Ibraaahin Cigaal
Astaantii Siyaasadda Geeska Afrika
Geeridiisa Ka Hor Laba NinOo Mid Sii Sheegay Calaamadaha Magaalada
Uu Ku Dhintay,
Iyo Nin Ka Waramay Goobta Lagu Aasi Doono
Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf
Waxay Ahayd Galabnimo Jimce Ah, Meerto
Taariikheedku Marayso 3.5.2002, Madasha Aanu Ku Suganahay Waa
Xaruntii Wargeyska Haatuf Ee Magaalada Berbera, Xiligu Waa Casar
Mirqaanka Qayilaada Iyo Kulaylka Xeebtu Meel Aan La Qiyaasi Karin
Marayaan.
Iyadoo Ikhiyaarta Golaha Fadhida NinWaliba
Waayihiisa Uu Madaxa Ku Sito, Xaaladuna Iska Degantahay. Waxaa
Kadinka Kasoo Gashay Weris Dhaylaawe Oo Guri Xafiiska Haatuf Kasoo
Horjeeday Deganayd, IyadooAad U Naxsan Wejigeedana Sas Qayral-Caadi
Ahi Ka Muuqdo Ayay Tidhi Waar Eedo Maxamed Xaaji Ibraahin Miyuu
Dhintay.? Nin Colkayagii Golaha Fadhiyey, Ayaa Sare U Yidhi Ma
Madaxweynihii!!!! Intaanay Jawaabin Ayaan Su’aal Kale Ku Celiyey Oo
Aan Idhi Eedo Xaggaad Ka Maqashay. Weris Oo Anfariirsan
Indhaheedana Ilmo Kusoo Taagantahay, Ayaa IntayMadaxa Labada
Gacmood Saartay Sare U Tidhi…….
" Ilaahoow Aan Ubadka Waaya Iminkay JabuutiSheegaysay. Oo Aan
Dhegehaygaa Ku Maqlayey…..!!! Intaa Kadib Maxaa Dhacay !!! Weris Naga
Tagtay Oo Xaafadeedii Ku Noqotay.
Balse Ragayagii Fadhiyey Qadar Daqiiqado Ah AyaaShib
Nalaga Wada Dhigay.…Iyadoo Nala Moodo In Danab Nagu Dhacay Oo Laydh
Na Qabsaday, Qofna Aanu Qof La Hadlayn Ragga Qaarna Ay Si Caadi Ah
Isugu Dhexdaadeen Oo Warka Jabuutiba Lagu Macneeyay Been Qaawan Iyo
Inay Somaliland La Col Tahay.
Ayaan La Hadlay Nin Suxufi Ah Oo Hargeysa Ku Sugnaa
Waxaanu Ii Xaqiijiyey In Warkani Jiro Mar Dhowna Lagu Balansanyahay
Xarunta Madaxtooyada. Asxaabtii Aanu Wada Fadhinay Oo Su’aasha Iyo
Jawaabta Telefoonka Ilbidhiqsiyada U Dhexeeyey Sugi La’aa Ayaan Warkii
Ku Taabtay.
Hadalba Gam…… Markaan Dib U Milicsado Dareenka Saacadaas Warkaa
Dhiilada Leh. Waxaan Hubaa Haduu Jiri Lahaa Cabir Lagu Ogaado
Noocyadda Naxdinta Ee Noolaha Ku Dhaca, Sida Looga Argagaxay Geerida
M/Weyne Cigaal Qiyaasteedu Inay Yeelan Lahayd Magac Aan Hore Loo
Bixin. Intayada Madashaa Fadhidana Kuma Koobnayne Caalamka
Afsoomaaliga Oo Dhan Ayay Ka Jirtay.
Markii La Gaadhay Baahintii Galabnimo Ee Laanta
Afsoomaaliga Ee Idaacada Bbc-Da Qodobkii U Horeeyey Wuxuu Noqday Warka
Dhimashada M/Weynaha. Intaa Kadibna Taariikhdii Maxamed Xaaji Ibraahin
Cigaal Oo Uu Si Tifatiran U Tebinaayey Axmed Siciid Cige Ayaa Soo
Dhacay, Barmaamij Wakhti Dheer Qaaday Ayaanay Ka Diyaarisay.
Saacadaa Wixii Ka Dambeeyayna Waxaa Is Qabsaday Oo Aad Loogu
Mashquulay Qoraalada Tacsida Ah Ee Idaacada Soo Gaadhaayey.
Warka Dhimashada M/Weyne Cigaal Waxa Kale Oo Si Cajiib
Ah U Baahiyay Qaybaha Afafka Qalaad Ee Idaacadaas, Warbaahin Badan Oo
Heer Caalamina Ahina Kasii Xigteen.Iyadoo Sharaxaad Badan Laga Bixiyey
Heerka Uu Gaadhsiiyey Somaliland Mudadii Uu M/Weynaha Ka Ahaa Oo
Maamul Wax Badan U Suurtageliyey Ka Hanaqaaday. Inkastoo Aanay
Ictiraaf Ka Helin Beesha Caalamka.
Hadaba Geeridu Waa Xaq Nafwaliba Dhadhamin
Doonto Sida Diinteenu Inoo Sheegtay, Balse Shakhsi Kasta Oo Dunida Ka
Dheelmada Waxaa Ka Hadha Taariikh Aan Dhiman, Oo Aduunka Baaqi Ku
Noqota, Allaha Raxmaanka Ah Ayaana Adoomihiisa Intay Ifka Joogaan U
Qaybiya Una Doora Saamiga Qofku Dunida Ku Yeesho Taasoo Natiijadeedu
Ku Dhamaato In Dadka Qaarkii Geeridooda Ay U Baroortaan Qoyska Iyo
Eheliyada Uu Ka Dhashay, Halka Badhkalena Dhimashadoodu Ka Oohiso
Qaran Iyo Mujtamac Balaadhan.
Xaqiiqa Ahaana Geerida Ahn M/Weyne Cigaal Waxay Ahayd
Mid Ay Dhamaanba Dadka Afsoomaaliga Ku Hadla Meel Kastoo Ay Joogaanba
Ka Wada Nixisay, Inkastoo Uu Jiray Xanuun Sanadihii U Dambeeyay Ka
Muuqday, Si Weyna Looga Dareemayey, Miisaankiisuna Aad Hoos Ugu
Dhacay Iyo Jilbo-Xanuun Socodku Iyo Fuulista Salaamadu Ku Adkayd.
25.4.2002 Ayaa Xaalad Caafimaad Loo Dhigay Cisbitaal
Meleteri Oo Ku Yaalay Magaalada Pretoria Ee Dalka S. Africa.Ahn
M/Weyne Cigaal Oo Intuu Uu Ku Sugnaa Cisbitaalkii South Afrika, Isagoo
Nool War Been Abuur Ah Laga Baahiyey Laguna Sheegay Inuu Geeriyooday,
Waxa Toos Ula Xidhiidhay Bbc-Da Waxaanu Beeniyey Jiritaanka Warkaas
Iyadoo Hadalkiisa Uu Ka Muuqday Caafimaad-Qab, Xaaladiisana Wuxuu Ku
Sheegay Inay Aad U Wacantahay. Balse Laba Maalmood Kadib Ayaa Warka
Geeridu Soo Dhacay.
Hadaba Markii La Xaqiijiyey Geerida Ahn Cigaal, Guud
Ahaanba Geyiga Somaliland Waxaa Ka Muuqaday Xaalad Aan Caadi Ahayn,
Sawirka Guud Ee Ayaantaasina Muuqaal Aamusan Oo Qof Waliba Goonidiisa
Uga Fekerayo Sida Wax Noqon Doonaan Ayaa Taagnayd
Walaac Ku Saabsan Muranka Siyaasada Ee Xiliyadaa Jiray
Iyo Inuu Sababi Karo Qarax Gacanta Laysula Tago ,Ayaa Dad Badan
Maskaxdooda Ka Guuxaysay. Waa Marka La Qiimeeyo Halka Ay Kala
Taagnaayeen Danleyda Siyaasadda Oo Xifaalatanka Iyo Gujada U
Dhexaysay Aan Waxba Isula Hadhin .
Intii Lagu GudajirayBaroordiiqda Geerida Ahn
M/Weyne Cigaal Waxaa Warbaahinta Si Weyn U Qabsaday Dhambaalada
Tacsida Ah Ee Ka Imanaayey Dacalada Iyo Daafaha Caalamka, Madax Iyo
Masuuliyiin Heer Caalami Ah,Shaqsiyaad Badan Oo Magac Ku Leh Dadka
Afsoomaaliga Ku Hadla Ayaana Ugu Duceeyey In Alle Naxariistii Jano Ka
Waraabiyo Marxuumka Shacbiga Somaliland Samir Iyo Iimaan Ka Siiyo.
Hadaba Intaanan U Gudbin Faahfaahinta Dhacdooyin Badan Oo Ku
Saabsan, Wixii Aan Ka Ogaa Ama Aan Uga Soo Joogay Ahn Maxamed
X.Ibraahin Cigaal. Waxaa Jirta Dhacdo Aan WeliXusuustayda Ka Bixin
Oo Ku Saabsan Markii Iigu Horaysay Ee Aan Indhaha Saaro Ahn Maxamed
X.Ibraahin.
Waa Badhtamihii Sanadkii 1983kii Iyo Dukaan
Ku Yaalay Degmada Xamar-Weyne Ee Magaalada Muqdisho Waxaanu Ka
Koobnaa Dhowr MeheradoodCida Iska Lahaydna Waa Qoyska Wiil Aanu
Isku Fasal Ahayn, Oo Caraba Laguna Magacaabi Jiray Maxamed Cabdalla
Maxamed.
Qayb Kamid Ah Waxaa Aad Looga Iibsan Jiray,
Jaraa’idka Carabiga Iyo Ingiriisiga Bilaha Iskuulku Fasaxa Yahay
Ayaan Aad Ugu Badnaa Oo Aanu Dumnad Ku Ciyaari Jirnay,
Dadka Macmiisha Ah Ee Jaraa’idkaas Qaata, Ayaanu Kamid Ahaa Maxamed
X.Ibraahin Cigaal,Sida Badana Odayga Meherada Leh Mooyaane Cid Kale
May Wada Hadli Jirin.Oo Saacadaha Qaar Ay Af-Carabi Wax Isugu
Sheegaan.
Waayahaasna Wax Badan Kalamaan Socon Siyaasada
Soomaalida Iyo Jileyaasheedii, Balse Xili Dambe Oo Ku Beegan 1985kii
Ayaan Habeen Daawaday Telefishinkii Soomaaliya War Ku Saabsan
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Iyo Warshadaha Oo Qaabilay Wefti
Maalqabeeno Carbeeda.
Masuulka Hadlaya Ee Afcarabiga Ku Khudbadeynayaa
Waaba Odaygii Aan Ku Arki Jiray Dukaankii Baaba Cabdalla Ee
Xamar-Weyne. Oo Marka Uu Dukaankaas Yimaado Lebiskiisu U Badnaa
Shaadh Gacmo-Dheera, Macawis G’o Shaal Ah Iyo Koofiyad Kuwan Ragan
Dambe Badhaysiga Ka Dhigeen Oo Markaa Qaali Ahayd.
Xafladan Uu Tv-Ga BaahinayonaIsku Joog Safaari
Ah Ayuu Ku Gaadhan Yahay, Allaah Haw Naxariistee Aabahay Oo Meel Ii
Dhow Fadhiyey Ayaa Nin Ay Saaxiib Ahaayeen Oo Tvga Nala Daawanaayey
Ku Yidhi Cajiib InaXaaji Ibraahin Cigaal Waa SidiiUu Lixdankii
Ahaa, Odayga Kale Oo Siciid La Odhan Jiray Kana Tirsanaa Wasaaradda
Maaliyada Ayaa Ahn Aabahay Ku Yidhi Ninkani (Cigaal) Waa Weli (Awliyo)
Miyaanad Arkayn Nuurka Iyo Dhalaalka Wejigiisa Ka Muuqda. Berigaa Aad
Sheegayso Iminkuu Ka Da’yar Yahay.
Anigoon Ka Dhexgalin Labada Oday Ninkan Ay Iska
Waraysanayaan, Xaqiiqa Ahaan Aan Waxba Ka Aqoon Cigaal Iyo Waayahiisa,
Ayaan Go’aansaday Inaan Warkiisa Raadiyo.
Wax Hadal Ah Kumaan Darsan Odayaasha, Manaan Soo Qaadin Halkii Aan
Ku ArkayBalse Maalin Dambe Oo Aanu Is Aragnay Nin
Dukaanka Shaqaale Ka Ahaa OoJacfar La Odhan Jiray, AyaanWeydiiyey
Odaygii G’o Shaalka Ah Lebisan Jiray Ee Jaraa’idka News-Week Ta
Iibsan Jiray Warkiisa.
Intuu Si Aad Ah U Qoslay Ayuu Yidhi "Ninkaan Waagii Hore
Somaliya Dhan Uu Madax Ka Ahaa”. Mudo Ka Dib Oo Ku Beegnayd Horaantii
1986kii Ayaan Markale Maqlay In 1980kii Xukuumadii Msbare Kaalmo
Militeri Weydiisatay Dalka Maraykanka
Laakiin Waxaa Shardi Lagaga Dhigay Inuu Xabsiga Kasii Daayo
Maxamed X.Ibraahin Cigaal. Ninka Sheekada Noo Werinaayey Oo Shaqaale
Ka Ahaa Safaaradii Maraykanka Ee Muqdisho Wuxuu Si Balaadhan U
Sharaxay Taariikhdii Siyaasadda Ee Cigaal. Inkastoo Ay Iidheh Badani
Ku Jirtay Warkiisa.
Hadaba Intaanan Ka Warbixin Qaabkii Uu U Dhacay Aaska
M/Weynaha Waxaa Jiray Laba Dhacdo Oo Aan Goobjoog U Ahaa Mid Walbana
Markhaatigeedii Hadda Noolyahay Taasoo Ku Saabsan Geerida Ahn
Maxamed X.Ibraahin, Arinta Hore Waxay Ahayd Bishii Oktoobar Ee
Sanadkii 1999kii Oo Aan Ka Tirsanaa Wargeyskii Jamhuuriya. M/Weyne
Cigaal Iyo Wefti Uu Hogaaminayey Ayaana Booqday Dalka Maraykanka.
Dhalinyaro Reer Somaliland Ah Oo Ku Sugnayd Dalkaasi Maraykanka Ayaa
Lasoo Xidhiidhay FaysalCali Sheekh. Waxaanay U Sheegeen Telefoonka
Laga Heli Karo M/Weyne Cigaal. Inkastoo Aanay Suurtagelin Inaanu
Waraysi La Yeelano. Balse Waxaa Jamhuuriya Helay War Kale Oo Ku
Saabsan Kulan Dhexmaray Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Halkaas Ku
Dhaqan Iyo Weftiga Cigaal Oo Su’aalo Badan La Weydiiyey.
Hadaba Subaxnimadii Iyadoo Aanu Joogno Xaruntii
Shirkadda Npp Ee Soo Saari Jirtay Wargeysyadda Jamhuuriya Iyo The
Republican. Aniga Iyo Maareeye Faysal Cali Sheekh. Waxaa Xafiiska
Noogu Soo Galay Nin Aan Wejigiisa Garanayo Balse Aanan Magaciisa
Aqoon.
Qisadii Telefoonkii Xalay Jamhuuriya Kula Xidhiidhay Iyo
Sida Ay Lama Filaanka Ugu Noqotay Cigaal Ayaanu Isla Soo Qaadnay,
Iyadoo Sheekadii Socoto Ayaa Waxaa Noosoo Galay Nin U Muuqday Suufi
Markuu Cabaar Sheekadii Dhegeystay Ayuu Meel Kale Noola Dhaqaaqay,
Waxaanu Yidhi Horta Ninkaa Ina Cigaal Iga Walaan Nin Siyaasad Kula
Tartamaa Waxba Ka Qaadayn.
Laakiin Magaalo Dadka Ku Nooli Cadaan Iyo Madow Isugu Jiraan
Buu Ku Dhimanayaa. Toloow Ma Dirirdhabaa. Intaa Markuu Yidhi Ayuu
Iska Tegay. Balse Ninkii Kale Ee Ay Faysal Cali Sheekh Is Garanayeen
Bay Kasoo Dhacday Dadka Noocan Ahi Waxay Sheegaan Mararbaa La Arkaa.
Markaan Dib U Xusuustona.Magaalada Pritoria Eek U Dhintay M/Weyne
Cigaal Waxaa Ku Wada Dhaqan Dad Midabkoodu Cadaan Iyo Madowba Ka
Kooban Yahay.
Mar Kalena Bishii Sadexaad Ee 2002. Aniga Iyo
Nin Aanu Saaxiib Nahay Oo Ka Mid Dhalinta Aqoonyahanka Ah EeKa
Hawl-Gala Ha’yadda Wadaniga Ah Ee Gavo Oo Lagu Magacabo Maxamuud Aadan
Haybe (Cigaal) Waxaa Goor Subax Ah Makhaayad Aanu Fadhinay Oo Ku
Taala Magaalada Berbera, Noogu Yimi Ninkii Caanka Ahaa Ee Ahn Cumar
Aadan Cabdile Oo (Cumar-Asqo) Lagu Naanaysi Jiray Inkastoo Uu Ahaa Nin
Xanuun Xagga Maskaxda Ahi Hayey, Balse Sheekadiisa Iyo Markuu Dadka U
Waramaayo Hadal Macno Weyn Oo La Fahmo Ayuu Odhan Jiray.
Waxaanu Subaxdaas Ka Waramay Inuu Ku Riyooday Iyadoo
Banaankaa Xeradda Guutada Ee Berbera Somalilandba Siday U Dhamayd
Isugu Timi Oo Dadkuba Wada Barooranayo, Oo La Leeyahay Maxamed
X.Ibraahin Baa Dhintay, Oo Markii Lasoo Dareerayna Hadalkii Aan Sii
Maqlaayey Waxaa Kamid Ahaa Dumar Lahaa Waa Aduunyo Waataa Ina Cigaalba
Halkaa Cidlada Ah Lagaga Yimi. Sheekadaas Ahn Cumar-Asqo Waxa Kaluu U
Sheegay Nin Taliye Ka Ahaa Laanta Socdaalka Ee Berbera Oo Jidhif La
Odhan Jiray……
Mucjisadii Ka Dhacday Madashii Aaska Isbedelkii Cimiladda. Gaadiid 10
Kun Oo Gaadhi Kor U Dhaafay Si Nabad Ahna U Yimi/Kana Baxay
Magaalada, Iyadoon Xariiqi Gaadhin, In Ka Badan 360.000 Qof Oo
Goobjoog Ahaa,Ilmadii Ka Dareertay Intii Ay Isugu Fogaayeen,
Salaantii Kal Iyo Laab U Dhexmartay Colkii Deeradu Dhexmiranaysay.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!