Shaqooyinka Ug Lacagta Badan Mustaqbalka Dhaw

0
Monday June 24, 2019 - 09:04:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1906
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqooyinka Ug Lacagta Badan Mustaqbalka Dhaw

    Maalinba maalinta ka dambaysa waxaa sii kordhaya horumarka technololgyada kala duwan ee loo adeegsado si loogu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalinba maalinta ka dambaysa waxaa sii kordhaya horumarka technololgyada kala duwan ee loo adeegsado si loogu qabto shaqooyin iyo hawlo badan oo wakhti badan qaadan lahaa haddii ban’aadamku qaban lahaaayen.

Sidii uu kacaankii warshadaha ee dhacay sanadkii 1820-1840, technologyadu waxay meesha ka saartey oo ay cagta marisay shaqooyin badan oo ay ban’idaamku gacanta ku qaban jireen.



Automation waa fududeynta hawlaha iyadoo la adeegsanayo qalabka ama agabka casriga ha ee tecnologyada.

Dad badan ayaa colaad u qaba qalabka casriga ah ee technolgyada maadaama ay shaqooyinkoodii meesha ka baxeen, laakiin taas badalkeeda dad badan ayaa ka faa’iideystey wakhtiga is badalaya iyagoo soo saara qaarkoodna ku shaqeeya technologyyada cusub.

 

Hadaba  waxaynu soo qaadan doonaa qaar kamida shaqooyinka mustaqbalka soo socda suuqa shaqooyinka caalamka qabsan doona oo aad loogu baahan doona cid ku shaqeysa ama maamuli karta:

1.     Alternative Energy Engineers/Consultants: dadka aadka loo danayn doono waxaa kamida cidda baratey ku shaqeynta & dhisida ama ka talo-bixinta habka dhalinta tamarta la isticmaalo iyada oo aan laga dhalineyn tamartaas shiidaal ama awooda nuclearka.

 

Tamarta oo laga soo saarayo waxyaalo kala duwan sida qulqulka biyaha, kulaylka qoraxda, hawada iyo dabaylaha. Tamartaas oo ah mid la joogtayn karo ama la isku halayn karo.

 

Engineerada ama la taliyayaashan bartey sida loo dhaliyo tamarta aan laga keenin shiidaalka iyo awooda nuclearka, waxaa looga baahan yahay engineerada in ay sameeyaan tamar wada gaadhi karta dhamaan bulshada kunool goobta looga baahan yahay tamartaas.

 

2.     Shaqooyinka mustaqbalka loo baahan karo waxaa iyana kamida Waste Engineer oo ah engineer ku takhakhusay dib u habaynta xashiishka ama waxyaabaha la isticmalay.

 

Sida la xajiijiyey bani’aadamka ku nool dunida korkeedu waxay soo saaraan xashiish ama wasakh gadhaysa 1.1 billion oo kilogram, waxyaabahaas oo dhulka dushiisa lagu daadiyo, qaarna lagu aaso dhulka hoostiisa kuwa kalena bada gudaheeda lagu qubo.

 

Waxaana aad looga fikiray oo la fuliyey in dib looga faa’iideysto hadhaaga waxyaabaha la isticmaalo iyadoo loo sameeyey warshado dib u habeeya waxyaabahaas xashiishka ah.

 

Engineerada barta dib u habeynta ama wastes recycling ayaa aad loo raadiyaa iyadoo shaqadani ay  tahay mid lagu qaato lacag aad u badan.

 

Iyagu jaamacadaha waaweyn ee dunida sida Stanford iyo University of Cambridge ee ingiriiska ayaa bilaabay in ay baraan dadka kuuliyada maareynta xashiishka  oo loogu magac daray Faculty of waste engineering management.

3.     Internet Security Specialist – waa ilaalinta amniga shabakada internet-ka, iyaduna waxay kamid tahay shaqooyinka mustaqbalka sida weyn loogu baahan yahay xataa imikadan aynu joognana aad loo daydayo.

 

Ilaalinta xogaha ay leeyihiin shaqsiyaadka, shirkadaha, iyo waliba dawladuhu oo aad loogu baahday awgeed ayaa keentey in la raadiyo aqoonyahano leh culuumta IT-ga ama computer science-ka.

 

In kabadan maalaayiin macluumad ah ayaa laga xataa goobo kala duwan iyadoo ay usoo dhacaan serverada ama xog kaydiyeyaasha dad tuug ah loona yaqaano Black hat hackers, waa tuug u dhacda computerada iyo agabka isgaadhsiinta.

 

4.     Flying car instructors – waa macalimiinta baabuurta duusha waa shaqooyinka hadda iyo mustaqbalkaba aad loo raadin doono.

Baabuurta ku duusha jooga hoose ee hawada ayaa la sameeyey sanadihii ugu dameyey iyadoo la doonayo in lagaga kaaftoomo gaadiidka dhulka socda sida gaawidha, tareenada, motoyinka iyo wixii la hal-maala, gaadiidkan oo lagaga cabanayo saxmad iyagoo ku keenay magalooyinka waaweyn cidhiidha sidoo kalena sababay dhimasho iyo dhaawacyo badan.

 

Dadka aqoonta u leh xirfadan gaadiidka duula waxa looga baahan yahay in aqoon dheeraad ah u leeyihiin manhajka waxbarasho loo yaqaa STEM oo ah Science, Technology iyo Mathmathics.

 

Macalimiintan barataya dadka gaadiidka duula waxay heli doonaan mushahar iyo abaal marino aad u sareeya inta la la’ yahay dadka aqoonta leh.

 

5.     Blockchain Developer -  macnaha developer waad wada garateen waa horumariye ama kobciye, laakiin blockchain maxay tahay? Blockchain waa isku xidhka lacagaha iyo macluumaadka lagu isticmalo internetka iyada oo meesha laga saaray qofkii xidhiidhin lahaa labada meelood ee wada xidhiidhaya. Hadaynu si kale u sheegno, blockhain waxay ka kooban tahay laba kalmadood oo ah Block oo ah joojin ayaa lagu daray Chain oo ah silsilad markaas blockchanin developer waxa uu noqonayaa qofka sameeya ilaalinta macluumaadka qofka shakhsiga ahi uu leeyahay macluumaadkaas oo kala ah lamabarada sirta ah, taariikhda uu qofku wax iibsadey ama kad dhex sameeyey dhaq-dhaq internetka gudihiisa iyo ilaalinta magaca qofka iyo wakhtiga uu sameeyey dhaq-dhaqaaqaas.

Cida laga ilaalinayaana waa qof ama aalad sadexaad oo soo dhex galas isu gudbinta macluumaadka. 

 kuwani waa qaar kamida shaqooyinka la saadaaliyey in aad loo dooni doono mustaqbalka soo socda haddii rabi ogolaado.

Shaqooyinka la doonayaa ama la doorbidi doonaa way badan yihiin laakiin kuwani waa kuwa technology-ada la hal-maala.

Mahadsanid

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...