Xildhibaan Cali Qaran Oo Eedo Ujeediyay Maayarka Berbera.

0
Wednesday May 03, 2023 - 16:05:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Cali Qaran Oo Eedo Ujeediyay Maayarka Berbera.

    "In Danyarta Berbera Koronto loo helo waxaa caqabad ku ah Maayir Cidin!"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"In Danyarta Berbera Koronto loo helo waxaa caqabad ku ah Maayir Cidin!"



Hargaysa (HWN) Xildhibaan Cali Qaran oo kamid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in dhibaato shacabka Berbera ay ka haysato korontada, isagoo intaasina ku daray in dhibaatada laydhka ee haysata shacabka Berbera  uu qayb kayahay maayaka magaalada daasi Cabdishakuur Cidin.

 

"Mushkilada laydhka Berbera markasta oo lays yidhaa xal waara haloo helo waxaa caqabada koobaad ku noqda Duqa Degmada Berbera mudane Mayor Cabdishakur Maxamud Cidin .

 

Degmada Berbera waxaa ku nool danyar aan awoodin in ay bixiyqan qiimaha xad dhafka ah ee ay kusoo dalacdo warshada laydhku sidookale awood dhaqaale oo magalada kaga xagaabaxaana xiliga xagaagana aan lahayn, waxaa hore loo yidhi ruqe ninkii lahaa dabada hayo ma kacdo reer Berbera cabashadoodu wey taagnaan doontaa ilaa inta ay ka baxayso meesha danta shaqsiga ahi." Ayuu yidhi Xildhibaan Cali Qaran.

 

 


Loading...
Loading...