6 Qodob Oo Sabab U Ah Ruxanka Dr. Gaboose Laga Weriyey?

0
Tuesday May 02, 2023 - 14:26:22 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2651
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    6 Qodob Oo Sabab U Ah Ruxanka Dr. Gaboose Laga Weriyey?

    "Niyad jab siyaasaddeed oo soo wajahay, taas oo keentay inuu si weyn uga dhex muuqan waayey ololihii madax tabashada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Niyad jab siyaasaddeed oo soo wajahay, taas oo keentay inuu si weyn uga dhex muuqan waayey ololihii madax tabashada"



Guddoomiyaha Urur siyaasaddeedka Barwaaqo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa  muddooyinkii u dambeeyey ay soo baxayeen warar sheegaya inuu mar kale ka nasanayo Siyaasadda ka dib markii si lama filaan ah dib ugu soo noqday 2022-kii.

 

Haddaba, maxaa keenay shakiga laga muujinayo inuu damaciisii siyaasaddeed, uu soo wajahay ruxan siyaasaddeed xilligan.

 

Lixdan qodob ayaa arrintaas loo aanaynayaa.

1. Niyad jab siyaasaddeed oo soo wajahay, taas oo keentay inuu si weyn uga dhex muuqan waayey ololihii madax tabashada, iyada ololihii iyo galaangalkii siyaasaddeed ee looga bartay ay hoos u dhaceen,taas sabab looga dhigayo garaacista albaabada deegaankìisa oo ku adkaaday, markii loo arkay inuu dhaawac ku yahay taageerada dadka deegaankiisa ee Waddani ku urursan.

 

2. Duruufo dhaqaale; duruufaha dhaqaale ee soo wajahay ayaa loo aanaynayaa in ay ruxankan qayb ka yihiin, Ururrada siyaasadda ayaa wejihii Hore ee madax taabashada dhaqaale badan Kaga baxay, iyada oo doorashooyinka kalena baahan yihiin dhaqaale badan, taasna waxay keentay ayey leeyihiin dadka siyaasadda faaleeyaa dhaqaale sugaya iyo rejada mustaqbalkiisa inuu isku sidka halka ay dhigi karaan.

 

3. Ka maquurashadii labadii kulan ee madaxtooyada ka dhacay ee aanu la qayb gelin, tani waa meelaha su'aasha gelisay Gaboose  iyo sii wadida damaciisii siyaasaddeed

 

4. Shaki uu ka muujiyey garabsiinta madaxweyne Biixi, waxyaabaha ugu muhiim ee Gaboose ku riixay inuu damaciisii dib u soo laba kacleeyo waxa loo aanaynayaa inuu madaxweynuhu kalsooni geliyey, oo uu u sheegay inuu leeyahay mustaqbal ifaya, balse taasi sidii uu filayey aanay wada noqon, oo uu dareemay in aanu Madaxweynuhu sidii hore u ahayn, Isla markaana ilaa imika aanu u cadayn inuu dhisayo, sida uu u sheegay dad uu la sheekaystay.

 

5. Hubi la'aanta doorashada la galayo; Tani waa qodob kale oo la aamisan yahay inuu salka ku hayo ruxanka Gaboose. Madaama oo aan ilaa imika la isku raacin doorashada la gelayo ee soo horeynaysa.

 

6. Culayska REJO iyo Talo wadaag, Dr. Gaboose, waxa uu isu arkayey inuu noqon karo ururka keliya ee la loollami kara Marka deegaankiisa la eego Waddani, hase yeeshee laba urur ee cusub ee Rejo iyo Talo wadaag falaadh ayey ku noqotay, madaama oo ay sii kordhiyeen tirada Ururrada iyo Xisbiyada ee codka ka doonaya deegaankooda.

 

Si kastaba ha ahaate, ruxankan Gaboose ma joojin karaa, haa, waa haddii uu helo ballanqaadyadan hoose, haddii kale way adkaan kartaa, dhawaaqiisana waa la dhowrayaa.

 

1. Inuu Jabuuti kala soo noqdo war farxad geliya

2. Inuu Madaxweyne Biixi ka helo balanqaad aanu ka laba labayn oo ah uu ka badheedho dhiskiisa Barwaaqo ama KULMIYE ku doono ha noqdee

3. Inuu taageero dhaqaale uu ku garab istaago

4. Inuu codbixiyaasha deegaanka Madaxweynaha uu ku xisaabtami karo in loo balanqaàdo.

W/Q Saleban Saxansaxo


Loading...
Loading...