Aamina Cilmi Fariid Oo Loo Dhaariyay Inay Kamid Noqoto Golaha Wakiilada SLAND
Guddoomiyaha Maxkamadda
Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay
taariikhdu tahay 02/05/2023-ka, dhaariyay marwo Aamina Cilmi Fariid Badeed, oo
laga bilaabo maanta ka mid noqonaysa Xildhibaanada Golaha Wakiilada JSL.
Xildhibaan Aamina Cilmi
Fariid Badeed ayaa buuxisay jago ka banaanaatay Golaha wakiillada, taasi oo uu
baneeyay AHN marxuum xildhibaan Nuur Cismaan Guuleed Warsame, oo ka mid ahaa
mudanayaashii xisbiga UCID ee laga soo doortay gobolka Awdal.
Guddida Doorashooyinka
Qaranka ayaa Maxkamadda Sare ee dalka JSL u soo gudbiyay 30-kii bishii afraad
codsi ay ku dalbanayaan, in loo dhaariyo marwo Aamina Cilmi Fariid Badeed
jagada ka banaanaatay Golaha Wakiilada, si ay u gudato waajibaadkeeda shaqo.
Dhaarinta ka dib
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay
xildhibaannada in ay qaranka ugu adeegto si daacad ah, waxaanu ALLE uga baryay
in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.
Wa bilaahi tawfiiq
Ibraahim Maxamed Cali
Madaxa waaxda
warbaahinta Maxkamadda Sare ee JSL