Biyaha Roobka Qaabkee Looga Faaidaysan Karaaeng Xasen Abdi Kabadhe

0
Monday June 24, 2019 - 08:45:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biyaha Roobka Qaabkee Looga Faaidaysan Karaaeng Xasen Abdi Kabadhe

    Biyaha roobka oo laga faidaysto loona sameeyo biyo xidheen waxay in badan wax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Biyaha roobka oo laga faidaysto loona sameeyo biyo xidheen waxay in badan wax

 ka  tarayaan in waxsoosaarkeena beeralayda dalku uu horumar balaadhan ku talabsado xag dhaqaale iyo waxsoosarka xoolaha nool oo u ah lafdhabar dhaqaalaheena ganacsi

 



Inkastoo mashruucan biyo xidheenku uu hada  ka socdo konfuurta magaalada  hargeisa  mashruuca oo hir galintiisa uu hormood u yahay  madaxwaynaha jsl mudane musebiixi abdi  isagoo dhaqaale badan loo huray fulinta mashruucan looga faa idaysanayo  sidii biyaha roobka dib looga  fa idaysan lahaa  taas oo ay bulshadeena Somali land ay  ka maarmi doonan cuntooyinka dalka dibada uga imanaya oo uu ku baxo ganacsi lacag adag oo dalka dibada uga baxda iyo mashruuca dhaqaale ee daaqa xoolaha oo u ah lafdhabar  dhaqaalaheena ganacsi  

 


Dalka waxa ka jirta aqoon daro kahaysa sidii aynu uga faaidaysan lahayn  deeqda biyaha uu ilaahay ina siiyo waqti kasta ee biyaha roobka oo u baahan in aynu ka faaidaysano si aynu wax ugu qabsano  waqtiyada biyo yaraanta waxa is waydiin mudan  maxuu eebe biyaha roobka ugu dul shubi waayey  badaha ee uu dhulka ugu shubay bariga si aynu uga faaidaysano  oo aynu biyo xidheeno u samaysano  biyaha roobka eek u biyo shubanaaya marka aynu ka faaidaysan wayno  biyaha bada

 


Noolasheenu waxay ku xidhantahay noolasha in aynu helo waqti kasta biyo hanoqoto  cunto karinta biyaha cabida biyaha dharmaydhista  iyo biyaha aynu ku daahirsano biyaha waraabka beeraha   markaa madaama ay  noolasheenu la xidhiidho  biyaha waqti kasta waxa loo baahan yahay  in aynu ka faa idaysano  biyaha roobka oo aynu  u samayno biyo xidheeno  waqtiga xili roobadka

 


Biyahaas oo waxtar badan oo horumar dhaqaale   inoo horseedi kara hadaynu sida ugu haboon uga faaidaysano si aynu u horumarino waxsoosaarka dhaqaale ee dhoofka xoolaha nool iyo beerista dalagyada kala duwan etc

 

Eng xasan abdi kabadhe

Kabadhe constraction company

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...