Colaada Laascanood Iyo Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif.

0
Tuesday May 02, 2023 - 12:11:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Colaada Laascanood Iyo Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif.

    "Haddii xukuumaddu inun rejo ka leedahay laascaanood"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haddii xukuumaddu inun rejo ka leedahay laascaanood"



Hargaysa (HWN) Xoghayaha Cadaalada ee xisbiga Wadani Yoonis Axmed Yoonis ayaa ka hadlay doorka Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ku yeelan karo Xalinta xiisada colaadeed ee ka taagan magaalada Laascanood ee xarunta Gobolka Sool, sida uu xoghayuhu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.

 

"laascaanood iyo Gud cabdirisaaq khaliif

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland  Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waa masuulka saddexaad ee Somaliland, waa masuul weli qayb ka noqon kara xal u raadinta colaadda ka taagan Laascaanood, waa masuul weli  kalsooni ka haysta dadka deegaankiisa, oo u tegi kara la hadli kara, ma jiro masuul kale oo ka soo jeeda magalada laascaanood oo haysta kalsoonida deegaankiisa, oo ka shaqayn kara isku soo dhawaynta dadka deegaanka iyo Somaliland.

 

Iyada oo ay sidaas ay tahay in Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif loo arko masuul door weyn ka qaadan Kara xalka Laascaanood mooyee, maaha in lagu fikiro in weerar lagu qaado, Isla markaana la xag xagto, iyada oo fashilka siyaasaddeed ee Xukuumaddu masuulka ka tahay mushkilada ka taagan laascaanood la isku hayo in Dusha laga saaro.

 

Haddii xukuumaddu inun rejo ka leedahay laascaanood cidda ka shaqayn karaa waa Guddoomiye Khaliif.

 

Albaabka kaliya ee maanta laga gali karo xal u helida dhibaatada laas-caanod ka taagani waa gudoomiye c/risaaq”Xoghaye Cadaalada ee xisbiga Wadani.


Loading...
Loading...