Qu'raanka Iyo Qabyaaladda Kee Baa Ku Dhaqan-Kiisu Sax Yahay ( Abdi-Shotaly)?

0
Tuesday May 02, 2023 - 11:59:57 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Qu'raanka Iyo Qabyaaladda Kee Baa Ku Dhaqan-Kiisu Sax Yahay ( Abdi-Shotaly)?

    * N.B Runtu Beenta Waw Cadaw, Oo Xaqii Baadil Laga Raac.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Runtu Beenta Waw Cadaw, Oo Xaqii Baadil Laga Raac.

Wax-yaabaha aan kula yaabo Somalidda waxay yihiin, waxay sheeg-taan ummad Muslim ah, oo salaadda bay gebtaa hayaan, hadana kuma dhaqmaan waxay diinta Islaamku sheegayso ee qawlkii Ilaahay ah, waxay ku andacoodaan in ay Muslim Sax ah yihiin, ha-yeeshee markaad eegto af-caashoodda iyo sidda dhaqan-koodu yahay, waa ina wax kama jiraan. 



Aan ku soo dhawaadee maalmahan waxa la reereeyey, oo qabiil cay ay ku fasir-teen inta askariga " Raggii Ma adigaa ka hadhay" Maamul-kiisa iyo Gudidda Gacan-ku-rimiska ah ee " Maalin dherega" ugu adeegga maamulka labadda askari ee " Xaafad-tooyadda" Waxay la waraaqa-yaan oo ay qabiileeyeen, beel baa lagu sheegay " Ehelul-Naar".


Akhristaw taasi waa ina wax kama jiraan, been iyo munaafaqad aan sal iyo raad mid-na lahayn, tahay-dacaayad rakhiis ah iyo khiyaali ay soo derdera-yaan qaar cuno iyo xil kaga rabaa askariga kor ku xusan, kuwaas oo loo adeeg-sado in ay kadaba qayliyaan ciddii xaqa ku adinta, ee runta ka sheegta sidda wax u socdaan.

Waxa ay waxaasi u dhacayaan maalmahan, ee hadalkii Sul/Gudoomiye Cade-Gude loo bedelayaa, wax kale maaha ee yaan denbi-giisa lagu cadayn oo la ogaan waxa uu yahay. Gudoomiyaha Beesha Garxajis, Cad-Gude wuxu si cad u yidhi " Askariga macangaga ah ee dalkii burburiyey waa " Ehelul-Naar" Sooma uu qaadin Beel iyo qof kale mid-koodna, hadaba in askarigu yahay sidaas uu sheegay Gudoomiyaha Garxajis, Taas daliil-keeduna waa " Aayadda 93 aad " Ee Surtal Nisaa" Waana tan hoos ku taal hadal iyo muran madhan looma baahna iyo cunto ku doonasho ah qabiil ku ladhan yahay, kuwa sidaas u hadlayaa, waxa la odhan karaa qabiil iyo calooshoodda waxa geleya bay caabudaan, ee Kitaabka Alle sidduu yidhi isku xukuma way diidan yihiin. Waana tan Aayaddii ee maxaad haysaan ee kale:-


وَمَن یَقۡتُلۡ مُؤۡمِنࣰا مُّتَعَمِّدࣰا فَجَزَاۤؤُهُۥ جَهَنَّمُ خَـٰلِدࣰا فِیهَا وَغَضِبَ ٱللَّهُ عَلَیۡهِ وَلَعَنَهُۥ وَأَعَدَّ لَهُۥ عَذَابًا عَظِیمࣰا﴾ [النساء ٩٣]

Waxan leeyahay kuwa diidan Aayadaasi sare ku taala " Waxa si buuxdda u tidhaahan " Waa been ee maaha Aayad Jirta" Hadal-Kuba ha yaraadee, ama qirta in aad ka badheedheen, oo dhaha ma ogolin waxay ina leedahay. Ummad yahay micnaha " Aayad Ku cad" Ee sheegaysaa waxa uu yahay " Qofka u dila badheedh iyo ula-kas ruux muumin ah, abaal-kiisu waa Jahanama oo uu ku waaro, Rabbina wuu u cadhoodaa qof-kaas, waanu nacdalaa, waxana uu u diyaariyey " Cadaab Weyn". Aayadda tafsiir-keefuna waa tan hoose ee ma been baa laga sheegayaa Askarigan waalan kuwa ujeedo kale ugu hiilinayaw, waxan idin odhan lahaa dib ugu soo noqdda " Kitaabka iyo diintu waxay idin farayso, oo ka soo jooga arimaha uu idiinka digaayo " Qu'raanku" Akhrisana Tafsiirka Aayadda iga hoo horta.

ومن يَعْتَدِ على مؤمن فيقتله عن عمدٍ بغير حق فعاقبته جهنم خالدًا فيها، مع سخط الله تعالى عليه وطَرْدِه من رحمته إن جازاه على ذنبه، وأعدَّ الله له أشد العذاب؛ بسبب ما ارتكبه من هذه الجناية العظيمة، ولكن الله سبحانه يعفو ويتفضَّل على أهل الإيمان، فلا يجازيهم بالخلود في جهنم

Muwaadin tafsiirkii Aayad waa taase ma been baa in uu askarigu " Ehelul-Naar yahay" Waxan ku soo xidhay qoraalkan. Haddii aynaan is yeel-yeelayn, oo aynaan beeninayn waxa uu Illaah inagu amray, yidhina isku xukuma " Waa kitaabka quraanka ahe" Askariga iyo maamul-kiisu waa gacan-ku-dhiiglayaal, waxay xasuuqeen ummadda Sool oo aan wax denbiya gelin, oo xaqii uu Eebbe u baneeyey doonaaya, oo mudaaharaad salmi ah sameeyey markii dad-kooddii ay maamulka askarta ee Hargeysa ay rasaas aan loo aabbo yeelayn ku laayeen. Kuwii Burco, Hargeysa iyo Ceerigaabo lagu laayey iyaka oo sidoo kale raba cadaalad sinaan, doorasho xor iyo xalaal ah, ee uu hablaha feedh-jilibka naaska kala dhacaayey inaadeerkii " Khadar Laangadhe" Isna ka denbi baadhista haystaana waa askari reer samatar ahe, uu ragga xiiniin ka dilaayey, rasaasta lala dhacay xildhibaanaddii Mucaaridka, iyo la taliyaha war-faafinta ee Musharaxa Cirro, kolkii 23ka hablood oo aan denbi gelin, qaar-kood arooska ahaayeen, bilaashka loogu xidh Gebiley, markii inaadeerkii Cabdiraxman sakhraan uu habalaha Garxajis buuga ka qorey, ee uu dhilooyinka ku sheegay, haba-yaraatee may jirin cid xaal ka bixisay, haday Beel tahay, Gudi calooleed, suldaan ku sheeg, iyo inta sacabka uga garaacdda " Xaafad-Tooyadda".

Hadal wuxu ku dhan yahay isaga baa iska badane,sidaas Aayadu tidhi ee ah waa Eheulul-Naar " Raggii Ma adigaa Ka hadhay" Ee sheeko kale keena, tani idinka socon-mayso'e.

* N.B Runtu Beenta Waw Cadaw, Oo Xaqii Baadil Laga Raac.

Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...