Mucaaradka Kenya Oo Dib U Billaabaya Dibadbaxyada Dowladda Looga Soo Horjeedo

0
Tuesday May 02, 2023 - 11:51:04 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 395
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Mucaaradka Kenya Oo Dib U Billaabaya Dibadbaxyada Dowladda Looga Soo Horjeedo

    "Taasi waa samayn kalitalisnimo. Waxay ka dhigan tahay laalista dastuurka."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Taasi waa samayn kalitalisnimo. Waxay ka dhigan tahay laalista dastuurka."



Isbaheysiga mucaaradka Kenya ee Azimio ayaa sheegay in ay maanta dib u billaabayaan mudaaharaadyada ka dhacaya magaalada Nairobi ee ay kaga cabanayaan qiimaha maciishada iyo wax isdaba marin la sheegay in lagu sameeyay doorashadii madaxtinimo ee sanadkii hore.

 

Hoggaamiyaha Azimio ahna Ra’iisul Wasaarihii hore Raila Odinga ayaa waxaa si dirqi ah kaga guuleystay Madaxweyne William Ruto doorashadii dhacday Agoosto sanadkii hore.

 

Odinga ayaa hakiyay mudaaharaadyada saddex toddobaad ka hor kaddib markii madaxweyne Ruto uu sheegay in wadahadal lala yeesho mucaaradka.

 

Odinga ayaa hadda dowladda ku eedeeyay in aysan dhab ka ahayn wadahadallada.

 

Booliiska dalka ayaa sheegay in aysan oggolaan doonin dibadbaxyada cusub, iyaga oo ku sababeeyay rabshado ka dhacay mudaaharaadyo hore oo ay ku dhinteen saddex qof, goobo ganacsina la burburiyay.

 

Odinga ayaa sheegay 1-dii may in "Booliska aysan horay u go'aansan karin in rabshado dhacaan ka dibna ay sii wadaan joojinta dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee dastuurku ilaalinayo".

 

"Taasi waa samayn kalitalisnimo. Waxay ka dhigan tahay laalista dastuurka. Waan iska caabineynaa,” ayuu yiri.

 

BBC


Loading...
Loading...