Dowladda Itoobiya Oo Xidh Xidhay Xubno Lagu Tuhmay Afgambi

0
Monday May 01, 2023 - 18:19:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Itoobiya Oo Xidh Xidhay Xubno Lagu Tuhmay Afgambi

    "Shaqsiyaad badan oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen inay ku dilaan mas'uuliyiin sare"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Shaqsiyaad badan oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen inay ku dilaan mas'uuliyiin sare"



Dowladda Itoobiya, ayaa sheegtay inay xireen 47 qof oo isugu jira suxufiyiin, iyo dad u dhaq dhaqaaqa arrimaha bulshada.

 

Sidoo kale dowladda, ayaa qabatay hub iyo walxaha qarxa, taaasoo lagu "fulin rabay fal argagixisanimoā€¯, sida ay sheegtay, iyadoo la isku dayayey in la afgambiyo ismaamulka dhaca woqooyi dalka Itoobiya ee Amxaarada.

 

Xarigga ayaa yimid maalmo, kadib markii sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Itoobiya, ay dabley hubaysan ay toogteen.

 

Qaar ka mid ah dadka la xiray oo ay aqoonsadeen ciidamada ammaanka iyo sirdoonka ee dalka Itoobiya, ayaa hadda kahor la xiray, iyadoo sii deyntooda kadibna uu haatanna dhacay dilka.

 

Dawladda federaalka Itoobiya, ayaa waxay ku dhawaaqday inay qaadayso 'tallaabooyin adag' oo ka dhan ah 'xoogagga xagjirka ah' ee is maamulka Amxaaradda, taasoo kicinaysa cabsida laga qabo inay horseedi karto in mar kale dalkaasi uu ka dhaco dagaal weyn.

 

Warbixin ay soo saareen guddiga isku dhafka ah ee dowladda federaalka Itoobiya, ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday magacyada 11 qof oo kale oo la raadinayo, oo ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah iyo suxufiyiin ku sugan gudaha Itoobiya, iyo dibadda dalkaasiba.

 

Dilka masuulkan, ayaa yimid todobaadyo ka dib markii dawlada federaalku ay ku dhawaaqday in la kala diray ciidamada gaarka ee ay lahaayeen ismaamulada, taasoo keentay mudaharaadyo iyo rabshado baahsan oo ka dhacay gobolka Axmaarada.

 

Shaqsiyaad badan oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen inay ku dilaan mas'uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya afar magaalo oo waaweyn oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, ayaa sidoo kale la xiray bilowgii bishii hore.

 

BBC


Loading...
Loading...