Galmudug Xaaladeeda Oo Dhinac Isugu Biyo Shubatay

0
Monday June 24, 2019 - 08:13:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galmudug Xaaladeeda Oo Dhinac Isugu Biyo Shubatay

    Kadib maalmo iyo saacado uu gorgortan siyayaasadeed oo adag uu ka socday xarunta maamulka Galmudug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib maalmo iyo saacado uu gorgortan siyayaasadeed oo adag uu ka socday xarunta maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb, waxa ay u egtahay in arrimaha ay hadda dhinac u biyo shubteen.


Dhacdadii ugu weyneyd ayaa ah in madaxweynihii maamulka Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu gebi ahaanba ka guurey magaalada , isaga oo ay meesha ka kaxeeyeen ciidamo uga yimid magaalada Gaalkacayo, wuxuuna xalay ku hoydey tuulo yar oo lagu magacaabo Godinlabe, taas oo u dhaxaysa Cadaado iyo Dhuusamareeb.



Isaga oo halkaas ku sugan ayuu xalay saqdhexe kasoo saaray warqad, taas oo lagu sheegay in doorasho madaxtinimo lagu qabanayo magaalada Cadaado, islamarkaasna uu burburay heshiiskii Jabuuti ee Ahlu Sunna lala galay.


Balse inta aan wax badan laga soo wareegin waxaa warqad kale soo saaray madaxa xukuumadda Galmudug oo fadhigiisu yahay magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna sheegay in doorasho madaxtinimo lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb.


Waxaa go'aankaas ku waafaqday dowladda federaalka, iyada oo wasiirka arrimaha gudaha oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb uu warqad uu soo saaray ku sheegay in doorashada la qabanayo 4-ta bisha Luuliyo.


Arrintan ayaa waxa ay ka dhalatay gorgortan socday muddo 48 saac ahaa, kaas oo ka dhashay kadib markii uu Dhuusamareeb ka dagay wasiirka arrimaha gudaha, arrintaas oo uu ka biyo diidsanaa madaxweyne Xaaf.


Khilaaf ka dhaxeeya Galmudug iyo Dowladda Federaalka ayaa soo jiitamayay intii muddo ah, waxa ugu badan ee la'isku hayayna waa muddo xileedka madaxweynaha Galmudug oo dowladda federaalka sheegtay in uu soo dhamaaday loona baahanyahay in doorasho cusub la qabto bisha July, balse arrintaas uu marar badan sheegey in aysan sax ahayn madaxweyne Xaaf.


Waxa uu khilaafka horseeday in Galmudug ay xiriirka wada shaqaynta u jarto dowladda federaalka.


Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in halkaas lagu wado in uu gaaro Ra'isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.


Hadda waxa la hubo waa in dhammaan dhinacyadii isku hayay Galmudug iyo dowladda federaalkaba ay hal sheey isku waafaqsanyihiin, taas oo ah in ay doorasho dhacdo, balse weli lagu kala aragti duwanyahay halka ay ka dhacayso, iyo qaabka ay u dhacayso.

 

BBC

Loading...
Loading...