Daawooyinka Xanuunada Jiilka Tacbaanka Ah

0
Monday May 01, 2023 - 14:22:50 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawooyinka Xanuunada Jiilka Tacbaanka Ah

    RAALI GALIN!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RAALI GALIN!


RAALI GALIN!

Qofkasta oo aqriyay mawduucii ahaa" JIIL TACBAAN AH" waxaan ka raali galinayaa, waxakasto oo uu qofkaasi dareemaay,

Anigu dhiirigaliye maahi, xitaa dhiirigalinta ma dhagaysto waayo: waa huu haa iyo hadal aan meelna ahaysan, kolkaa markaan wax qeexayo, hab falsafadaysan ayaan ku leeda fuulaa, mana qabo in qofka wax beena loosheego sida: in lagu yidhaah:"Ubaxii dalkaa tahay, waxkasto aday barri gacanta kuu gali." Xegee ubuxu joogaa? awood uma laha, inuu qeexo waxa uu noloshaan ka dabacsan yahay, sawkiii lahaa " Noloshu waa Caadi" ma been baa laysku wareerin, qof haadaan ku siidhacaya inaad ku tidhaah:" Halkaa kaga hay" waxay daliil utahay inaad doonayso inuu booraanta ku dhaco.



Calaa kulli xaal qofkii mawduucii "JIILKA TABCAANKA" intuu aqrinayay isu arkay

" wax mayahay" hayga raali ahaado, dawooyinna waan uqori, hadduu isticmaalo uu ku bogsoon doono, kagana mid noqon doono"JIILKA HALGANKA"

Daawoonyinkaas maaha hees inta la dhagaysto la odhanayo" Oollax hees baa ka dhacday" ee waa wax la samaynayo lala fal galayo, deetana: natiijo laga filayo Qurux badan.

Daawada koobaad:

"Aqri Taariikhda dadkii guulaha ka tagay"

Qodobkaani wuxuu kuu sahlayaa inaad fahanto, waxa dadku unool yihiin, waxaad kaloo garan, in qiimaha qofkuba uu yahay dhaxalka uu aadamaha kale oga tago, kun nin oo midba midka kale ka dadaal badnaa markaad aragto, waxaa kugu nuuxsan dareen kuu sheegaya in Insaankuba uu noqon doono waxa uu maantay gacanta ku hayo, si' dakisa ayaad isugu odhan:" Oo kaalay inta aan yarahay wixii aan qabto waan la gaboobi, wixii aan la gaboobana waan la god gali, wixii aan la God galaba waxay noqon dhaxalka aan aadamaha oga tagay." Qodobkaan haddaad toos udhaqan galiso, waxaad ogaan kumanaan qof oo noloshaan wax ka qabsatay heerna ka gaadhay, deetana: maskaxdaada ayaa dib su'aalo isu waydiin, waxa aan qodobkaan kuugu diray wax kale maahaba, waa inaad ogaato in ay dunida soomareen Insaan sidaada oo kale ahaa, lakiin wax aad maantay leedahay lama qaban karo, inta qabtay waliba figta sare joojiyay, waxaan kaloo qodobkaan kuugu diray, inaad adigu is yar eegto adoon is xukumi laakiin dareemaya wax un inay qaldan yihiin!

Daawada labaad:

"Qilaawee"

Markaad qodobkii hore( Taariikhda dadkii guulaystay) uu su'aalo kugu soo rido, meel fadhiiso su'aalaha uu qalbigaagu kuu sheegayo, ka koobi u garnaq, wuxuu kuu sheegi doonaa inaa tahay, qof eber ah, wax uu galana aysan jirin, markuu dhankasto kaa cananto, ayuu garaadku ku xasuusin, dadkii aad taariikhdooda aqrisay, ee wax qabsaday, Isla markaba qalbiga wada niyad jabka ah waxaa jawaab hoose siin maskaxda oo ku odhan:" Laakiin haddii uu xitaa eber yahay soo hadda wax ma qabsan karo illeen waxkasto siirow bay ka billowdaane"? Qalbigu isagu intaan isma waydiin karo waayo: uu caaddifad dhawaaqaa, garaadkuna wuu xaqiiq dhawaaqaa, deetana: waxaad dareemaysa in tahay wax qabsan kara, waxna ka qaldan yihiin.

Qodobkii kan ka horeeyay( Taariikhda dadkii guulaystay) wuxuu kuu bidhaamiyay, dadka qaar inay wax qabsadeen, laakiin qodobkaan(Qilaawada) wuxuu kuu

if-bixiyay inaad adigu wax qabsankarto,

Wuxuuna kaa soo dhex saaray, is daad raaciskii asxaabta waayo: markaad kaligaa meel fadhiisatid adoo is xisaabinaya markaba dad badan oo noloshaada aan faa'iido ulahayn ayaad iska saari lakiin ixtiraamkii way kugu leeyihiin inay ku duufsadaan umbaad kaga fogaatay!

Daawada seddexaad:

"Adigu is miizaan"

Markaad ogaatay in dad kula mid ahi ay noloshaan dhaxal kaga tageen, kadib: marakad aqrisay taariikhda dadkii guulaystay, ood haddana ogaatay inaad adigu wax qabsan karto, kadib: markaad qilaawaysay, illeen qilaawadu waa meesha uu qofku isku saxo, ayaad daawada seddexaad qaadan( Ismiizaamidda)

Inaad is miizaanto waxay kuu sahlaysaa inaad fahanto hamigaaga iyo waxa uuu noqon doono, aan isha kuu saaree, tusaale: markaad isku fiirsato, adiga dabeecaddaada iyo aqoonta aduunka taala isla markaba waxaa yeedhi doona gambaleel ku tusinaya, Fanniga/maadada aad ku soobaxayso, waayo:maadooyinka waa lakala leeyahay, tusaale: Gar-soorka ama qareennimada waxaa doorta un qof hadal badan, aad u firfircoon, waayo: maadada ayaa ku dhisan af-tahannimo, halka qofka caafimaadka bartay uusan hadalba isku ludhayn, hal qofaa qol loo soogalin siyaroo tartiiba ayuu isaga waraysan warkaa ku dhan, sidookale siyaasadda dadka baranaya inay dad aan af-tahannimada aqoon yihiin waa ceeb, waayo: Siyaasadda tiirarkeeda waxaa ka mid in aad aragtidaada siyaasadeed sharxi karto, war yaanan kugu daaline markaad isku fiirsato waxaa kuu soobixi Fanniga aad u qalanto inaad Aabihiisa noqoto iyo hogaamiyihiisa.

Hadda sedddex daawo ayaad maraysaa midkastana meel bay kaa keentay meelna way ku keentay, dadkii hore inaad taariikhdooda aqriso waxay ku tustay in dad wax qabsaday jiraan, halkaas adoo jooga ayaa waxaa kuu timid (Qilaawo) iyana waxay ku fahansiisay inaad adigu wax qabsan karto, halkaas adoo jooga ayaa waxaa kuu yimid( Ismiisaamid) deetana: waxaad ogaatay, halka nolosha aad ka buuxin karto iyo dhaxalka aad ka tagayso, ma isu jeedda iminka? giraantii Insaankaad soo gashay!! in yar baa kuu hadhay daawooyinka dhamayso.

Daawada Afaraad:

"Hadafkaaga caddee"

Meesha aad noloshaa ka buuxin karto kollkay is kaa tusto iyada qeex, yacnii hadafkaaga xakamee, waxkasto waan ku soobaxayaa hayska odhan, dhibabka ina qabsada waxaa kamida in qofku markuu aad u firfircoon yahay iska dhaadhiciyo:" Waxaksto adaa qaban kara"

Waxaksto marakad qaban ma shan qof

ayaa yahay? Markaa hal shay iyo waxa ku xeedhan oo iskasoo raacaya samayso, intaa markaad samayso hal shay oo kale ku dar Waxaksto oo aad samaynayso hadafka wayn haw qidmeeyaan, xitaa haddii aad Muxaadaro dhagaysan, dhagayso Muxaadaro mawduucaaga ku saabsan, haddaad wax daawanayso mawduucaaga daawo, yacnii si' aad oga mira dhaliso fanniga isa sii, adigoo dhan isku tuur, xitaa shaqooyinkaaga isku day inay hadafkaaga kugu caawinayaan, inay dani meel kaa tuurto mooyee, waayo: dantu kula tashan mayso, adoo wax jecel ayaad wax kale qoorta la gali, lakiim muhiimaddu waa inaad markasto soo muuqato.

Daawada Shanaad:

"Ku bilow hadafka wax yar yar"

Horta maayaacniga tartiib tartiib oga soo go' haddaad habeen kasto hees dhagaysan jirtay, hal habeen mawduuc dhagayso ama wax aqri, waa hal habeen bas, haddana labo habeen ka dhig, haddana seddex, afar, ilaa aad qof maalaayacniga ka adag noqotid,

Markaas ka dib hadafkana in in yar ku bilow, wax aqriska hal warqad, sidaa ku wad labo, seddex, afar, illaa shan warqad, si yaroo fudud adoon dareemin ayaan wax aqriska jeclaan iyo hadafkaaga oo dhan, laakiin hal mar haddaad isku tuurto hal maraad ka bixi doontaa!!

Daawada lixaad:

" Maalayacnigaad ka timid iyo Sharafka aad jooto isku fiiri"

Marakaad shalay ood xoolaha waxba aadan ka roonayn iyo maantay oo hadafkaagu caaddaamarayo aad isku dhugato, " Kaaf iyo kala dheeri" baa kuu sawirmi, maalaayacnigii kolkaad xasuusato waad la sii ordi, kolkaad sharafka indha qacku siisana, horaad usii dabaalan!

Dawooyinkaan oo dhan waxay kuu suura gali, marakaad naftaada iyo hawadaada iyo shaydaankaba aad tariib tartiib isaga goyso xumaanta ay ku bareen.

Faylasuuf:zakariye Shaantax.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...