Xaggeey ayay Soomaalida ka soo jeeddaa?

0
Monday May 01, 2023 - 14:15:41 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 984
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaggeey ayay Soomaalida ka soo jeeddaa?

    Waxaa muuqata in xidhiidh dhow iyo isla-falgal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa muuqata in xidhiidh dhow iyo isla-falgal



Weydiintan oo gundhig u ah buuggan, waxa ay tahay mid si aad ah u soo noqnoqota oo dad badani isku howlaan in ay eray celin habboon u helaan. Halka ay ka soo jeedaan dadyoowga Soomaaliyeed waa arrin ay dadka ku xeel dheer cilmiga isbar-dhigga bulshooyinka? dhaqannadooda iyo geeddisocodkooda horumar (anthropology) ay aragtiyo kala duwan ka bixiyaan. 



Qorayaasha ay ka mid yihiin Flaming (1966) Heine (1978) E. R. Turton iyo H.S Lewis 1966 waxa ay qabaan, ayaga oo marag ka dhiganaaya aragti uu dhisaaleeyay af aqoonkii (linquist) Isidore Dyen, in Soomaalida ka soo jeedo Koonfurta Ethiopia. Waana tan aragtida Dyen ee ku saabsan doolka iyo kala firidhka bulshooyinka oo lagu sahmiyo ama laba dhex helo afafka: "Haddii afafka laga helo goob ama lagaga hadlo gobol gaar ahi ay ka tiro badnaadaan afaf la bah ah afafkaas oo lagaga hadlo gobol, waxa gobolkaas hore loo aqoonsan karaa in uu yahay saldhiggii ay ka soo jeedeen bulshooyinka ku hadla afafkaas.


Waxa ay sooyaalyahannada kor ku xusani kala soo dhex baxeen aragtida Dyen in tirada ugu badan ee bah afeedka Kushitigga Bari kaas oo uu Af Somaligu ka mid yahay laga heli karo Koonfurta Ethiopia, sidaas awgeedna loo qaadan karo in ay Somalidu halkaas ka soo jeedo.


Dhinaca kale, Enrico Cerulli iyo I.M. Lewis waxa ay qabaan in saldhiggii hore ee Somalidu ahaa waqooyiga Carriga Somaliyeed, siiba dhulka u dhexeeya Ceelaayo ilaa Saylac, iyaga oo si tartiib-tartiib ah dhinaca koonfureed iyo galbeed u riixay Oromada.


Sidoo kale, baadhitaan mug leh oo uu sameeyay taariikhyahan Somaliyeed oo magaciisa la yidhaahdo Ibraahim Ali, oo qoray buugga "the Origins and History of the Somali people" (Meel ka soo jeedkii hore iyo Sooyaalkii Bulshada Somaliyeed) waxa uu ku dooday in Somalidu ay ka mid yihiin dadyoowga ugu da'da weyn bulshooyinka ku dhaqan geedka Africa, taas oo erayo Somali ah laga dhex heli karo qaar ka mid ah afafka Nilotigga (Nilotic) ee lagaga hadlo Suudaan iyo Kenya.


Waxa kale oo uu sheegay in cidhifka waqooyi bari ee carriga Somaliyeed uu ahaa hoygiidi hore ee rasmiga ahaa.

BAH -AFEEDKA KUSHITIGGA.

Bahda

Kushitigga

K.Waqooyiga. K.Dhexe K.Galbeed. K.Bari K.Koonfureed.

●Kushitigga Bari waa Bah-afeed

dhulka joogga hoose.

Somali,

Oromo,

Canfar,

Saho

●Dhulka joogga sare.

Sidaamo, Burji , Darasa


Waxaa xusud mudan in Af Somaliga iyo afka Oromadu ay aad isugu dhow yihiin. Waxaana la sheegaa in ay labada af kala dhambalmeen ammin ku siman 3,000 ilaa 3,500 oo gu' ka hor sida uu qabo Proffessor M. Nuh oo shahaado PhD ah ka diyaariyay arrinkan.


BAH AFEEDKA AFSOMALIGA

Kooxda Afsoomaaliga.

Soomaali, Rendiile, Bayso Aweera

Sidoo kale, bah-afeedka Somaliga waxa ay af aqoonada qaarkood sheegaan in ay isku bah yihiin afafka kale ee Rendiille oo lagaga hadlo carriga u dhexeeya Lamu Kenya iyo Kismaayo Somalia iyo Bayso oo lagaga hadlo dhulyare (jaziirad) ku dhex yaalla Lake Abaya ee badhtamaha Ethiopia.


Waxaa muuqata in xidhiidh dhow iyo isla-falgal gaar ahi ka dhexeeyay Somalida, Oromada, Canfarta iyo duulalka kale ee ku aroora bahda Kushitigga ee ku dhaqan Waqooyiga Bariga Africa, iyo Koonfurta Ethiopia.

Baadhitaan hiddeside oo ku soo baxay wargayska reer Yurub ee Hiddesidayaasha Aadanaha (European Jounal ???????? of Human Genetics) waxa uu muujinayaa in Somalida ay isku isir dhow yihiin Oromada oo muddo ku siman 4000 -5000 gu, la isku soo sooci karo hiddesidayaasha ay labada qolo wadaagaan.


"Afrikada madow iyo

Oromada aan wada naal

Ma intaan ag maro baan

Abuu Haashim gelayaa.

Mise mala-awaal baan

Ku awoowe seegaa?

Abwaan Yamyam. R.i.P

#Ahoow_waxa_aad_tahay


Sawirkan hoose waxa uu muujinayaa in Soomaalidu ay yihiin Kushitig, ka soo jeeda waqooyi bari Afrika. Bal fiiri isu'ekaanta erayada afafka is ku asalka ah ee afkeennu ka midka yahay! #Ahoow_waxa_aad_tahay.


May be an image of 1 person and text that says 'GULLED BELLEL BEL'
No photo description available.
No photo description available.
May be an image of 1 person, child and text

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...