Biriq hal qof ku dishay degaan katirsan gobolka Sool

0
Monday May 01, 2023 - 14:12:32 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1072
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biriq hal qof ku dishay degaan katirsan gobolka Sool

    Mid ka mid ah dadka deegaanka oo Warbaahinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo Warbaahinta



Hal qof ayaa ay biriqi ku dishay degmada Xudun ee Gobolka Sool, laba qof oo kalana way saamaysay, kuwaas ka wada tirsanaa hal qoys, isla markaana hal uri ku wada noolaa.


Dhacdadan ayaa imaneysa ayada oo qaybo badan oo ka mid ah gobolka Sool uu ka curteen roobabka gu’ga.



 

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Biriqda ay dishay Jaamac Ismaaciil Maxamed Faarax oo ka tegay lix Carruur ah, kadib markii ay gurigooda ku dhacday.


Wuxuu sheegay in qoyska Biriqda ku dhacday ay ahaayeen Xoolo dhaqato, isla markaana ay ku sugnaayeen duleedka degmada Xudun ee Gobolka Sool, isla markaana dadkii dhaawacmay la geeyay Isbitaalka degmada.

Loading...
Loading...