Dhinacyada Sudan Oo Markale Isku Raacay Inay Kordhiyaan Heshiiska Xabad-Joojinta

0
Monday May 01, 2023 - 13:51:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhinacyada Sudan Oo Markale Isku Raacay Inay Kordhiyaan Heshiiska Xabad-Joojinta

    "Hase ahaatee waxaa weli sii socda dagaalka u dhexeeya labada dhinac"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hase ahaatee waxaa weli sii socda dagaalka u dhexeeya labada dhinac"

 

 


Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan ayaa markale ku heshiiyey inay kordhiyaan heshiiskii xabbad-joojinta ahaa oo ku ekaa habeenimadii Axadda, iyaga oo haatan markale kordhiyey illaa 72 saacadood oo kale.

 

Inkasta oo ah gaadheen heshiis xabbad-joojin ah, haddana labada dhinac ayaan si rasmi ah u dhaqan gelin. Heshiiskan xabbad-joojinta ah ayaa loogu talo galay inuu dadka shacabka ah u furo marin ammaan ah oo ay kaga baxaan goobaha ay ku go'doonsan yihiin iyo in gargaarka bini'aadanimo la gaadhsiiyo dadka u baahan.

 

Hase ahaatee waxaa weli sii socda dagaalka u dhexeeya labada dhinac, iyada oo daraf waliba uu dhinaca kale ku eedaynayo inuu ku xadgudbay heshiiska.

 

Dalka Ingiriiska ayaa Axaddii ku dhawaaqay inay samaynayso daadgurayn cusub oo ay muwaadiniinta dalkooda kaga soo saarayaan dalka Sudan.


Loading...
Loading...