Maxay Tahay Fariinta Uu Hada Muuse Biixi Udiray Shaqaalaha Dawlada?
HAMBALYADA MADAXWEYNAHA
EE MAALINTA SHAQAALE WEYNAHA.
Taariikh: 01/05/2023
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu munaasibadda 1-da
May awgeed, hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Shaqaale-Weynaha
Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu wuxuu
shaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, uga mahadnaqay gudashada xilalka iyo
masuuliyadaha kala duwan ee ay Qaranka u hayaan iyo sida hagar la’aanta ah ee
ay ugu dhabar adaygaan duruufaha nololeed ee kala duwan ee ay ku shaqeeyaan.
Sidoo kale Madaxweynuhu
wuxuu Shaqaale weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ALLE uga baryey inuu ku asturo
shaqooyinka kala duwan ee ay Qarankooda u hayaan, xuskan xuskiisana ku
gaadhsiiyo nabadqab, horumar iyo badhaadhe, waxaanu kula dardaarmay
madaxweynuhu inay joogteeyaan saacadaha shaqada si waddaniyad iyo xilkasnimo ku
dheehan tahayna u gutaan waajibaadka Qaran ee ka saaran hawlaha shaqo ee ay
Qaranka u hayaan.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta
Madaxtooyada JSL