Shan Caalamadood Oo Muujinaya Inaanay Doorashooyinka Baarlamaanka Ee Somaliland Dhacayn sanadkan 2019
159 maalmood, ayaa ka hadhsan wakhtigii loo qorsheeyey in ay dalka ka qabsoonto doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee dib u dhacu hadheeyey tan iyo 2010-kii oo ay ku eekayd muddo xilkeedkii ay shacabku doorteen.
Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddo sagaal bilood ah u kordhiyey Mudaneyaasha
Golaha Wakiillada 21-kii bishii January ee sannadkan, ka dib markii dib u dhac
ku yimid wakhtigii hore ee loo muddeeyey Doorashada Wakiillada oo ahaa 29-kii
March ee sannadkan aynu ku jirno.
Markale, ayaa waxa muuqata in dib dhac kale oo muddo sannad guddihii ah uu ku
imanaya doorashada Golaha Wakiillada oo qorsheysan 13/12/2019, oo ay innaga
xigto imika muddo lix bilood iyo sagaal maalmood ah, amma 159 maalmood.
Qabsoomida doorashadan, ayaa waxa weli ku gedaaman duruufo iyo khilaafyo keeni
kara dib u dhac kale, kuwaas oo aanay weli muuqan xal lagaga gudbayo
is-marin-waaga ka taagan doorashada.
Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, UCID iyo Waddani, ayaa iyagu si weyn isugu
khilaaftan doorashadan, iyada oo arrinta xudunta u ahi khilaafka taagan uu
yahay Komishanka doorashooyinka oo Xisbiga Waddani sheegay in ay kalsoonidii
kala noqdeen, isla markaana aanay ogolayn in ay ka qayb galaan doorasho ay
qabtaan Komishanka imika jooga, halka Xisbiyada Kulmiye iyo UCID ay aamisan
yihiin in ay dalka doorasho ka dhacayso wakhtigii loogu talo galay ee
dabayaaqada sannadkan.
Haddaba, waxa aan halkan ku soo ururinay shan sababood oo keeni kara in
doorashada Wakiilladu dib dhaco, kuwaas oo qaarkood xalintoodu wakhti iyo
is-faham buuxa u baahan tahay.
1-Diidmada Xisbiga Waddani ee Komishanka jooga
Xisbiga ugu weyn Mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa sheegay in ay Kalsoonida kala noqdeen Komishanka doorashooyinka ee imika jooga, isla markaana aanay ka qayb galayn doorasho ay qabtaan.
22-kii bishii March ee sannadkii hore ayey caddeeyeen Waddani mowqifkooda
Komishanka, iyaga oo dalbaday in la kala diro oo la soo magacaabo Komishan
cusub, taas oo dhalisay dood sharci oo la xidhiidha cidda awoodda u leh in ay
kala diraan, iyaga oo aan dhamaysay wakhtigii ay xilku ka dhammaanayey.
Go’aankan Xisbiga Waddani, ayaa waxa uu caqabad ku noqday qorshihii doorashada
Wakiillada ee 29 March 2019-ka, iyada oo qodobkan iyo kuwa kale oo taagnaa
keeneen in muddo kordhin la sameeyo sagaal bilood ah.
Mowqifkan Waddani ka qaatay Komishanka oo weli taagan, ayaa ah qodob aan xal
loo helin oo mar kale sababi kara in doorashada Wakiilladu baaqato, mana jiro
wax tanaasulaad ah oo ay qodobkan ka sameeyaan Xisbiyadu, halka Xubnaha
Komishanku ku adkaysanayaan in ay dhamaysanayaan wakhtigooda oo ku eeg
29/11/2019-ka.
Xisbiyada Kulmiye iyo UCID ayaa heshiisyo ay marar kale duwan kala saxeexdeen,
waxa ay ku sheegeen in ay diyaar u yihiin doorasho qabsoonta wakhtigii loogu
talo galay oo ay Komishanka joogaa gadhwadeen ka yihiin, waxaanay kulamo dhawr
ah la qaateen Guddida doorashooyinka, iyada oo Waddani ka maqan yahay madasha.
2-Wakhtiga gabaabsiga ah ee Komishanka
Xubnaha Guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa wakhtigoodu
gabaabsi ku dhow yahay, iyada oo uu dhamaanayo wakhti xiloodkoodu 29/11/2019-ka,
waxaanay su’aalo badan ka taagan yihiin wakhtiga Guurtidu kordhisay, sheegtayna
in ay doorasho qabtaan, in ay ku beegan tahay wakhti ay dhamaatay muddo
xileedkoodu, inkasta oo ay Komishan ahaan awood u leeyihiin cayimaad wakhtiga
doorashada, isla markaana ay muddeyn karaa ka hor inta aan wakhtigoodu dhicin.
Wakhtigan Komishanka ee is guraya iyo kalsooni kala noqoshada Xisbiga Waddani,
ayaa keeni kara in mar kale ay dib u dhacdo doorashadu.
Komishanka, ayaa iyagu dhinacooda wada dedaallo iyo qaybo tirka wixii
dhinacooda ah ee la xidhiidha doorashooyinka.
3-Diiwaan Gelinta Codbixiyeyaasha
Ka hor doorashada Wakiillada ee qorsheysan bisha 12-aad ee
sannadkan, wax aka horreeya oo qorshuhu yahay in ay Komishanka doorashooyinku
sameeyaan diiwaan gelinta codbixiyeyaasha, gaar ahaan dadkii aan fursada u
helin in ay qaataan kaadhka codbixinta iyo weliba dadkii qaan-gaadhay muddadii
ka dambaysay diiwaan gelintii hore.
Diiwan gelintan oo dhaqaale iyo farsamo u baahan, ayaa ka mid ah waxyaabaha
caqabada ku noqon kara doorashada Golaha Wakiillada.
4-Saami qaybsiga iyo Xeerarka Doorashada
Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan qabsoomida
doorashada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ah wakhtigan saami qaybsiga
kuraasta Golaha Wakiillada oo ay cabasho ka muujiyeen qaar ka mid ah gobollada
Somaliland, gaar ahaan gobollada Bariga iyo Galbeed,kuwaas oo sheegay in aanay
diyaar u ahayn in ay ka qayb galaan doorasho ku salaysan qaabkii hore.
Siyaasiyiinta iyo Xildhibaannada ka soo jeeda Awdal iyo Sool, ayaa muujiyey in
qaabkan imika loo qaybsado kuraasta wakiilladu ay tahay mid caddaalad darro ah
oo aan gobollada dalku u sinayn.
Qaddiyadan saami qaybsiga oo soo taagnayd muddo labaatan sanno ka badan, ayaan
weli xal laga gaadhin, waxaanay imika culays ku haysaa Madaxweyne Muuse Biixi
iyo Xukuumaddiisa, madaama oo uu wakhtigii doorashaduna soo dhaw yahay.
Illaa imika ma jiro ifafaale muujinaya in xal laga gaadhay qodobkan ka mid ah
caqabadaha doorashada.
Sidoo kale, waxa jira xeerar la xidhiidha kuwa doorashada Wakiillada oo iyaga
aan la ansixin, balse hor yaalla Golaha Wakiillada.
5-Dhaqaalihii Dalalka Taageera Doorashooyinka Somaliland
Caqabadaha aynu kor ku soo xusnay ee ay ta komishanka ka taagani ugu horreyso, ayaa waxa ay keentay in aanay dalalka ka caawiya Somaliland dhinaca dhaqaalaha lagu qabto doorashadu, aanay weli soo shubin dhaqaalihii laga sugayey ee doorashada.
Dublamaasiyiin iyo xubno ka socda dalalkan oo Somaliland u yimid arrimaha
doorashada, ayaa waxa ay dhinacyada isku khilaafsan doorashada u soo jeediyeen
in ay xal kama dambays ah ka gaadhaan caqabadaha doorashada ka taagan, taasina
weli ma muuqato.
Dalalkan waxa ay ugu hanjabadeen Somaliland in ay joojinayaan taageerada ay
siiyaan, haddii aan xal la gaadhin, isla markaana aan doorashada la qaban
wakhtigii loo qorsheeyey.
Si kastaba ha ahaatee, qodobbadan, ayaa ah caqabado hortaagan doorashada la
filayo in ay sannadkan dhammadkiisa qabsoomaan, waxaanay qaarkood u baahan
yihiin wakhti ka badan ka imika hadhsan.