Ciidanka Dabdamiska Ceerigaabo Oo Soo Badbaadiyay Rag Ajanabiya Oo Ceel Ku Dhacay

0
Saturday April 29, 2023 - 09:20:52 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Dabdamiska Ceerigaabo Oo Soo Badbaadiyay Rag Ajanabiya Oo Ceel Ku Dhacay

    "Ciidamada Dabdemisku waxay bulshada ku wacyigelinayaan inay ka digtoonaadaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ciidamada Dabdemisku waxay bulshada ku wacyigelinayaan inay ka digtoonaadaan"



Ceerigaabo Ciidanka Dabdemiska magaalada Ceerigaabo ayaa laba nin oo Oromo ah ka soo badbaadiyay Ceel ay ku dhaceen kuna yaala xaafada October ee magaalada Ceerigaabo.

 

Ciidanka ayaa gunta hoose ee Ceelka ka soo samatabixiyay labadaa nin oo ku neef qabatoobay, intaa kadibna waxaa ciidamadu gaadhsiiyeen cisbitaalka weyn ee magaalada Ceerigaabo.

 

Ciidamada Dabdemisku waxay bulshada ku wacyigelinayaan inay ka digtoonaadaan xilli roobaadka ceelasha biyaha, baraagaha, dooxyada, laagaha iyo goobaha biyo mareenada ah.

 

990 Gurmaka degdgega ah


Loading...
Loading...