Maxaad Ka Ogtahay Awoodaha Qarsoon Ee Guud Ahaan Curyaamiyey Shaqooyinka Wasaaraddaha Dalka.

0
Sunday June 23, 2019 - 19:17:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1722
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Ogtahay Awoodaha Qarsoon Ee Guud Ahaan Curyaamiyey Shaqooyinka Wasaaraddaha Dalka.

    Madaxwayne milil guudkii lama dhayo wasaaradaha dalku waxay u baahan yihiin in hoos lagu dadaadego .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwayne milil guudkii lama dhayo wasaaradaha dalku waxay u baahan yihiin in hoos lagu dadaadego .
Wasiir la bedelaa iyo Agaasime Guud Waxa ka Fiican In la bedelo Agaasimo waxeedada iyo Xisaabiye-yaasha Kor iyo Hoosba u Raacay Musuq maasuqa ee u Heshiisheyey Dalka.

 

Waxa Musharkayaga Ka baayac Mushtareeya Agaasime Waaxdeeda Maamulka Iyo Lagacta iyo Xisaabiye yaasha wasaaradaha ,gunooyinkayagana Cuna . iyagaa ku muraadsada muddo laga bakhtiyeyna oo muddo dhaaftay soo diraa Sida aynu ka war qabno waxaa qofkastaa dareeni karaa habacsananta shaqo cago jiidka , iyo niyad jabka ka jira Xarumaha wasaaradaha dalka waxaa sabab u ah agaasimo waaxeedada wasaararada joogo ee aan waligood la bedelin ku was oo ragaadiyey shaqooyinkii dalka gaar ahaana golobada.

 

Iyadaa oo ay guud ahaanba shaqooyinka qaranka caqabad ku yihiin agaasime waaxeedyadu hadana waxay dhibta ugu wayn ku hayaan gobolada . kama shaqeeyaan isuduweyashu sababtoo waxa doora kuma laha hawlaha gobokooda ka socda waan loo gacan dhaafa shaqooyinka loo igmaday waxanay ka mar qaatan agaasime waxaadeedyo ay siman yihiin . oo waxaanay fahansanaynba qaabka wada shaqaynta saraakiisha dawlada .

 

Waxaad arkaysaa agaasime waxaadeed golobka maamulaya hawlaha ka socada oo aan xitaa jaanis siinay shaqalaha gobolada jooga iyo isuduweyaasha jooga oo shaqadooduun ilaashanayaa waxay keentay in ay fadhiid noqoto oo aanay shaqo ka socon xarumaha dawlada ee gobolada dalka .

 

sidoo kale waxa jira musuq maasuq ay agaasime waxaadeedu ku hayaan shaalaha gobolada oo ku saabsan maaliyada Tababarada , iyo Horumariunta shaqaalaha, ‘’ Training And Development ,Scholar ships ‘’ –ka, Deeqaha Waxbarsho , ‘’promotionka Dalacsiinta iyo ‘’ Encouragement Dhiirigalinta iyo ‘’ Reward-ka Abaalmarinta shaqaalaha .

 

 

Inta badan waxa laga cunaa lacago ay madaxda sare ama haya’daha la shaqeeya ee wasaaraduhu ku guneeyaan shaqaalaha , waxaan jiratay taariikhda in markii ugu Horaysay madaxwayne Mudane : Muuse Biixi

uu wareegto ku soo saaray in la bixiyo ( Xaqal Ciidka sanadkan ) iyadoo wareegto lagu soo saaray shaqaalaa Qaar Baan Helin wali Qaarna waxay heleen ku dhawaad bil kadib ciida .taasina waxay ku tusaysaa in wali ay sii wadaan agaasime waaxdeedyadu musuqmaasuqii ay shaqaalaha ku hayeen, aynu arki jirnay ama haddaba jirta waxa la musuqmaasuqaa waxkasta oo aynu xaq u leenahay in aynu helo.

 

Sidaas darteed waxa la cunaa Sida Caqal ciidka fasaxyada hawlaha dheeriga ah ee shaqaaluhu ka faaiidaystaan ismarkaana Xaq u leeyahay Qofkasta oo shaqaale ahi mana soo gaadhaan shaqaalaha gobolada . waana laga saara oo waa la isticmalaa waxay ka baxaan miisayadaha wasaaradaahaas sida Khanada kharashaadka loo qoondeeyey . waxaana leexsada agaasime waaxeedada Gaar ahaan ku kuwa maamulka iyo maaliyada iyo Xisaabiye-yaasha xarumaha .

 

taasina waxay na tusaysaa Cadaalad Darada Lagu Hayo Shaqaalaha Gobolada waxa kale oo kamid ah Inay musharka shaqaalaas laga haysto muddo aad u dheer oo gaadhaysa seddex bilood oo xidhiid ah Halka xarumaha laga qaato Bil walba horaanteeda si joogto ah iyadoo aan wax cudur daar ahi jirin madaxdana waxa loo sheegaa in shaqaalahu guud ahaan ay bil walba qaataan mushaharka.

Waxaad kale oo aad loo musuqmaasuqaa deeqaha waxbarasho ee dalka mana jiro wasaarad kaliya oo shaqaaleheeda gobolda usoo bandhigtaa fursadaha Horumarineed ee la hayo . xitaa hada waxay maraysa in workshop-ka seminars-ka iyo survey –ada wadanka laga qabto in Hargaysa laga qaato dadka kuwaas oo matalaya gobolada oo aanu ku jirin qof gobol am a degmo Hargaysa ka baxsan oo looga yeedhay muddo hadda labo sano ah arrintaasi waxa ay ka socotaa xarumaha Hargaysa. Waana qayb ka mid ah musuqmaasuqa agaasime waaxeedada . kuwaas oo bartay hagardaamada iyo Cunista shaqaalaa gobolada oo aan wax badan ka ogayn sida wax u socdaan .

Mana jirto wax maamul Daadejin ah oo Sameeyey ilaa hadda. Waxa jira shaqaale ka socda xarunta oo ka shaqaynaya gobolada iyagoo kuwii gobolada shaqo la,aan yihiin oo ay iska fadhiyaan . maxay u furan yihiin xafiisayadu hadii aan shaqaalaha jooga waxba loo diranayn oo Hargaysaa shaqaale shaqada ka soo raacaya aan mar hayn oo laba ahayn balse joogto ah.

 

. Miyaanay dulmi Iyo niyad jab wayn ku ahayn shaqaalaha gobolada. M shaqaalaha xarunta joogaa waxay helaan fursado badan oo aqoon kororsi ah dal iyo debedaba leh waxa laga yaaba inuu mid wali ubaxay dal kale si uu aqoon ugu soo faa iidaysto laakiin shaqaalaha gobolada bari fursadahaas waa looga dhaartay iyaga oo ah kuwa xaqa u leh. Taasina waa mid dhawacaysa maskaxda qof kasta oo damiir leh su aasha aad iswaydiinaysaa waxa weeye dalka ma cid gaara ayaa khayraad keeda iyo wanaagiisba iska leh oo looma sina

 

waxaan ku soo ururinayaa mudane madaxwayne waxaad balanqaaday oo yididiilo horleh nagalisay markii aad balan qaaday inaad la dagaalamayso musuqmaasuqa ,iyagoo sheegay inaad bedalayso dhamaan agaasime-yaasha waaxaha maamulka iyo lagacta iyo Xisaabiye yaasha wasaaradaha iyo laamaha Dawlada, kuwaas ah ku lugleh musuqmaasuq iyo wax isdaba marin ay caadaysteen .

 

sidaa mid la mid ah agaasime waaxeedadu waxa ay xilka hayaan mudo aad u dheer oo qaarkood waxay joogaan intii ay somaliland jirtay.

 

Agaasime waaxeedada way ku yaryihiin dad ka yimi gobolada bari sidaas darted waxa yaraanaya in laga fekero Horumarinta Gobolada Iyo Degmooyinka

Waxa jooga agaasime waaxdeedo isku hayb iyo qaraabo Dhaw oo badan koodu ka soo jeeda gobolada galbeelka , wasaarad kasta iyo laamaha Dawlada taasina waxay ka qay qaatay dib udhaca gobolada bariga

 

waxaanu soo jeedinaynaa in arrimaaha wax laga qabto oo dad cusubna loo

magacaabo agaasime waaxdeeda wasaaradaha , kuwaas oo wax wayn ka tari kara daradargalinta hawlaha raagaday iyo Musuqmaasuqa wali ku jira habsami u socodka shaqo , dhiirigalin iyo sinaana u ah dhamaad shaqaalaha dawlada . mana garanayno waxa shaqaalaha gobolada loo dalacsiin waayey iyagana looga dhigi waayey agaasime waaxeedo ama waxa ka sareeya iyadoo aynu ognayahay in qofkastaa xaq u leeeyahay inuu ka dalaco meesha uu joogo marka uu xilkii loo igmaday u guto si

Hufnan ah oo Cadaalada.

Cabdirisaaq Xuseen Samatar(Indheergarad)


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...