Sarkaal Ka Tirsan Xisbiga Talada Haya Ee Axmaarada Oo Toogasho Lagu Dilay.
Madaxii xisbiga
Prosperity Party ee haya talada gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya ayaa
toogasho lagu dilay,, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Girma Yeshitla ayaa ka
soo laabtay safar rasmi ah markii weerar gaadmo ah lagu qaaday meel 250km
waqooyi ka xigta caasimadda Addis Ababa, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay
xafiiska isgaarsiinta ee gobolka.
Ra’iisul wasaare Abiy
Axmed ayaa dilkan ku tilmaamay mid laga xumaado oo laga naxo, wuxuuna ku
eedeeyay inay ka dambeeyaan kooxaha xagjirka ah oo aan la magacaabin, kuwaasoo
uu sheegay inay doorteen inay hub ku xalliyaan khilaafkooda halkii ay wada
hadal ku dhamayn lahaayeen.
Dilkan ayaa yimid
todobaadyo kadib markii ay dowlada federaalku ku dhawaaqday in ay kala dirtay
ciidamo gurmad ah kuwaas oo kacdoono iyo rabshado baahsan ka abuuray Axmaarada.
Mr Girma ayaa
dhaleecayn xoogan kala kulmay dadka kasoo horjeeda kala dirista ciidamada,
kuwaas oo u arkayay mid ka mid ah wajiyada ka dambeeya tallaabadan.
Dilka siyaasiyiinta
sarsare maaha mid ku cusub Axmaarada. 2019-kii, hogaamiyihii gobolka iyo masuuliyiin
kale oo sarsare ayaa la dilay iyadoo lagu tilmaamay isku daygii afgambi ee
gobolka ee fashilmay.
BBC