Turkiga Oo Xabsiga Dhigay 128 Qof Oo Ay Ku Jiraan Saxafiyiin Kurdi Ahi
Afar saxafi Kurdish ah
ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla dalka Turkiga iyaga oo lagu eedeeyey
inay xidhiidh la leeyihiin xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK) kaas oo mamnuuc
ka ah dalka Turkiga.
Beritan Canozer oo u
shaqeeya JinNews, saxafi Remzi Akkaya, Abdurrahman Gok oo ah tifatiraha
Mesopotamia News Agency iyo saxafi kale oo lagu magcaabo Mehmet Sah Oruc ayaa
xabsiga la dhigay Salaasadii ka dib hawlgal qorshaysan oo ay sameeyeen
ciidamada booliska ee dalkaas, kuwaas oo 21 magaalo ka soo qabqabtay illaa 128
qof.
Dadka xabsiga la dhigay
ayay ku jireen illaa 10 saxafi, garyaqaan u doodayey saxafiyiin Kurdiyiin ah oo
xabsiga ku jira, iyo xubno ka tirsan xisbi ay leeyihiin Kurdiyiintu oo ah kan
saddexaad ee ugu weyn baarlamaanka dalkaas.
Maxkamadda dastuuriga
ah ee dalkaas ayaa amar ku bixisay in la xayiro xisbigaas oo lagu eedeeyey inuu
xidhiidh la leeyahay ururka PKK, hase ahaatee xisbiga ayaa eedayntaas beeniyey.
Xadhigan ayaa ku soo
beegmaya, maalmo ka hor doorashada baarlamaanka iyo madaxtinimada dalkaas oo
dhacaysa bisha May 14-keeda, taasoo loo arko inay tahay doorashadii ugu adkayd
ee uu galo madaxweyne Erdogan labaatankii sano ee la soo dhaafay.
Ilo dhinaca amniga ah
oo Turki ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in dadkan loo haysto
tuhuno la xidhiidha inay ururka PKK ka caawiyeen dhinaca dhaqaalaha,
shaqaalaynta iyo fidinka dacaayadaha. Ururkan ayaa Turkigu u arkaa urur
argagixiso.
Hay'ado kala duwan oo
caalami ah oo u dhaqdhaqaaqa xorriyadda hadalka oo ay ku jiraan Freedom House,
International Press Institute iyo PEN International ayaa ugu baaqay xukuumadda
Turkigu inay joojiso cagajuglaynta baahsan iyo handadaada ka dhanka ah
saxafiyiinta Kurdida ah, hay'adohooda warbaahineed iyo garyaqaanada difaacaya,
isla markaana in fursad sharci la siiyo xisbiga Kurdiyiinta, lana soo bandhigo
dhammaan eedaha loo haysto.
Warbixintan oo ay
qoreen Mahmut Bozarslan iyo Ezel Sahinkaya waxaa
laga soo Laanta Turkish Service ee VOA