Akhriso Masiibooyinka Somaliland Ka Dhacay Marka Muddo Kordhin Loo Sameeyo Madaxwaynaha.

0
Friday April 28, 2023 - 16:57:29 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Akhriso Masiibooyinka Somaliland Ka Dhacay Marka Muddo Kordhin Loo Sameeyo Madaxwaynaha.

    "Madaxweyne Muuse Biixi Markii loo kordhiyay Dalku dagaal sokeeye, dhiig data"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweyne Muuse Biixi Markii loo kordhiyay Dalku dagaal sokeeye, dhiig data"



Hargaysa (HWN)  Xildhibaan Axmed Wali oo ka tirsan golaha deegaanka Gabilay ayaa sheegay masiibooyin ka dhashay mudo kordhinta loo sameeyay madaxwaynayaasha Somaliland marka ay dhamaystaan wakhtiga la doortay.

 

Xildhibaanka ayaa saddexda madaxwayne ee kala ah Siilaanyo, Daahir Riyaale iyo Muuse Biixi oo dhamaantood loosameeyay Muddo kordhin taxay dhibaatooyin waawayn oo dalka ka dhacay intii lagu jiray Muddo kordhiniha loo sameeyay madaxdaasi.

 

"Amarka Ilaahay Madaxweyne kasta marka uu mudo-xileedka la doortay dhamaado ee loo kordhiyo wakhtiga, waxa dhaca masiibooyin xusuus ku reeba Quluubta Bulshada.

 

1.Madaxweyne Daahir Rayaale Muddo kordhintiisii waxa dhacay Qaraxyadii Madaxtooyada, UNDP iyo xafiiska Ethiopia ee Hargeisa 29.0ct 2008, waxa dhacdadaa ku baxay haldoor badan oo Reer Somaliland lahaa (AUN) dhamaantoode.

 

2. Madaxweyne Siilaanyo Markii wakhtiga la doortay dhamaaday ee loo kordhiya Abaaro baahsan ayaa Dalka ka dhacay oo galaaftay Duunyo badan, 2016 iyo 2017 labadaba.

 

3. Madaxweyne Muuse Biixi Markii loo kordhiyay Dalku dagaal sokeeye, dhiig daata, Qax iyo dhibaatooyin culus ayuu cagaha la galay.

 

Midhaa inaynu Cashar rabaani ah ka barano, ayaa muhiim ah oo ka fogaano in heshiiska Umadda lala galay laga baxo, Madaxweyne kasta oo aynu dooranaana ku ekaado xayndaabka Mudo-xileedkiisa.

Bal adba!” WQ. Xildhibaan Axmed Wali oo ka tirsan golaha deegaanka Gabilay.


Loading...
Loading...