Xildhibaan Barkhad Oo Ka Hadlay Hadalkii Cada Gude Ee Ehlu-naarka
Hargaysa (HWN) Xildhibaa
Barkhada Jaamac Batuun oo kamid ah Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay soo
dhawayntii shalay loo sameeyay Suldaan cade-gude, sidoo xildhibaanku sheegay in
aanay ogayn meel uu suldaan Cadde-gude ku yidhi beel hebli waa ehlu-naar, sida
xidhibaanku ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay:-
"Beesha Habar Awal waa
beel weyn, waa beel leh tayo aqooneed iyo mid adduunba, waana bulsho ilbaxnimo
weyn leh fahan ballaadhanna ka haysta dawladnimadda iyo qaabka ay u shaqeyso,
waa beel ku suntan iney jaangooyaan siyaasadda Somaliland iyo cidda majaraheeda
qabaneysa, cidda hunguri ka hayo hanashada hoggaanka sare ee dalka waxa waajib
ku ah in ay helaan garabka beesha Habar Awal geed dheer iyo mid gaabanna u
koraan sidii beelweynta Habar Awal hareerahooda u istaagi lahaayeen, ma ogi
meel uu Suldaanku ku yidhi beel habla waa Ehlu Naar, mana aha hadal milgo,
maamus saldanadeed iyo Muslimnimo leh.
Suldaan Caddogudu wuxuu
guddoomiye u yahay beelweyn oo ballaadhan, isla markaana ah kurus ammaanka
Somaliland oo ah beelwaynta (Garxajis). Wuxuu huwanyahay haybadda hoggaamineed
ee beelweynta garxajis, waana ta keentay in hadalkiisa iyo hawlaha dhaqan ee uu hayo si ka duwan sida
dadka caadiga ah loogu fiirsado, fasiraado badanna la saaro. Madaxda Xukumadda
wuu dhalliili kara, Baarlamaanka wuu dhalliili kara, garsoorka waa dhliili
karaa, cidna kama difaaci karto, intaba isaga leh oo waa Suldaankoodi, isagana
waa dawladdiisi. Shakhsiyan waxa aan ku aqaana Suldaan Caddogude in uu yahay
Odey dhaqan oo mar walba jecel Somaliland la wada leeyahay oo xilalkeeda,
xoolaheeda, iyo xuquudaheedaba unmadda ka wada dhexeeyaan.
Beesha Habarjeclo waa
beel Alle ku arsaaqaday talo,
mideysan, tab iyo xeelad, taakulo dhexdeeda
ah, tamar iyo turuq joogto ah iyo iney tahay tiriiga shida shacniga iyo
sharafta Somaliland in uu Alle Janneeyo Ifka iyo aakhriba anigu waan jecelahay,
cid u diidanna ma jirto.
Ugu dambeyn waxa aan
leeyahay dhammaanteen waxa aynu nahay hilbo wada dhashay iyo hayb qudha, qabiil
kasta oo Somaliland joogna wuxu leeyahay ammaan iyo awood cid walbana Alle ayaa
ciseeyey cadaabna Alle ha inaga hayo. Somaliland waxa maanta yaala wax ka weyn
in hoos la iskugu fiirsado fartana la isku fiiqo wixi dhexdeena yaal midnimo,
walaalnimo, iyo wadajir aynu ku dhammeysano wararka aan wanaagsaneyn wad
wadkoodana aynu joojinno. Qarannimo ayaa ina deeqda qabyaalad iyo kala
qeybsannanina waxa ay innoo horseedi hoog iyo haadan laga dhaco Alle kama
dhigee.” Xildhibaan Barkhad