Trump Oo Ka Digay 'Fowdo' Haddii Aan Dib Loo Dooran
Donald Trump ayaa
Khamiistii wacad ku maray inuu ka adkaan doono Joe Biden, doorashada madaxweyne
ee 2024, isaga oo ka digay in Mareykanka uu geli doono "fowdo” haddii aanu
isaga kusoo laaban xafiiska.
Khudbadda Trump uu ka
jeediyey hotel ku yaalla magaalada Manchester ee gobolka New Hampshire, ayaa
imaneysa ayada oo ay sii kordhayaan dacwadaha sharci ee uu wajahayo.
Shalay, gabar qoraa ah
oo ku eedeysay inuu kufsaday ayaa maalinkii labaad ku hor marqaati furtay
maxkamad maddani ah oo ku taalla gobolka New York.
"Ikhtiyaarka doorashada
waxay hadda u dhaxeysaa awood iyo daciifnimo, guul iyo guuldarro, ammaan iyo
fowdo, nabad iyo colaad, iyo barwaaqo iyo masiibo,” ayuu Trump u sheegay in ka
badan 1,500 taageerayaashiisa ah oo isku soo baxay.
"Waxaan ku dhex nool
nahay musiibo. Adinka oo codkiina na siinaya November 5, 2024, dhulka ayaan ku
dhufan doonnaa Joe Biden, waxaana dhameystiri doonnaa howlihii qabyada noo
ahaa.”
Waxay aheyd markii ugu
horreysay ee Trump uu tan iyo bishii Janaayo kasoo muuqdogobolka New Hampshire
oo guul u horseeday 2016-kii kadib markii looga adkaaday doorashadii gobolka
Iowa.
Biden oo 80 jir ah ayaa
Talaadadii ku dhowaaqay inuu mar labaad is-sharxi doono 2024, isaga oo ka digay
in doorashada soo socota, si la mid ah tii hore, ay noqon doonto "dagaalka
ruuxda.”
Mas’uuliyiin sare oo
Jamhuuri ah ayaa sheegay in Trump, oo 76 jir ah, uu mar kale isku dayayo inuu
guuldarreysto kadib markii uu doorashadii 2020 iyo doorashadii xilliga dhexe ee
2022 uu wiiqay Jamhuuriga.
"Jamhuuriga waxay
doonayaan qof guuleysan kara November 2024. Donald Trump waa guuldarreyste,”
waxaa sidaas yiri barasaabka gobolka New Hampshire Chris Sununu, oo la sheegay
inuu ka fakarayo inuu is-sharxo.
Sagaal Senator oo
Jamhuuri ah oo ka titasan Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa taageeray Trump,
hase yeeshee kuwo kale ayaa ka digay in dacwadaha uu wajahayo ay wiiqi karaan
rajada ay Jamhuuriga ka qabaan inay Aqalka Wakiilada kala wareegaan
Dimoqraadiga sanadka dambe.
Inkasta oo uu wajahayo
dacwado dhowr ah, haddana Trump ayaa codadka ra’yiga si xooggan uga horreeya
xubnaha kale ee Jamhuuriga ee tartamaya, si gaar ahna barasaabka gobolka
Florida Ron DeSantis oo ah kan ugu soo dhow.
VOA