Hay'adda Caafimaadka Aduunka Oo Ka Digtay Mid Ka Mid Ah Sharoobooyiinka Qufaca Ee Caruurta
Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay
in qayb ka mid ah sharoobada qufaca oo sumeysan islamarkana lagu farsameeyay
dalka Hindiya lagu arkay jasiiradaha Marshall iyo Micronesia.
WHO waxa ay sheegtay in la tijaabiyay sharoobada
Guaifenesin TG, oo ay samaysay shirkadda fadhigeedu yahay Punjab ee QP
Pharmachem Ltd, ayna natiijada muujinayso " xaddi aan la aqbali karin oo
ah maadada diethylene glycol iyo ethylene glycol".
Labadan maado ee ku jira sharuubadan ayaa ah mid sun
ah oo haddii uu qofka isticmaalo uu u dhiman karo.
Bayaanka hay'adda caafimaadka aduunka si gaar ah uma
sheegin in ay jiraan dad ku xanuunsaday sharoobadan ama u dhintay .
Digniintan ugu dambeysay ayaa timid bilo kadib
markii WHO ay la xiriirisay sharoobada qufaca ee lagu sameeyo Hindiya
dhimashada carruur dalalka Gambia iyo Uzbekistan.
Sudhir Pathak, oo ah agaasimaha maamulka shirkadda
QP Pharmachem, ayaa BBC u sheegay in shirkaddu ay u dhoofisay Cambodia 18,346
dhalo ka dib markii ay heshay dhammaan oggolaanshaha sharci ee saxda ah ee ay u
baahnayd.
Waxa uu sheegay in aanu garanayn sida ay daawadani
ku gaartay jasiiradaha Marshall iyo Micronesia.
Bayaanka WHO ayaa lagu sheegay in Sharoobadani, oo
loo isticmaalo joojinta qufaca iyo xanuunada kale ee neef mareenka , ay
tijaabisay hay'ad maamusha arrimaha dawooyiinka oo fadhigeedu yahay Australia.
Bayaanka ayaa intaa ku daray in "shirkadda soo
saartay iyo midda suuqgeyntuba aysan siinin WHO dammaanad qaad ku saabsan
badqabka iyo tayada Sharoobadani".
Sharoobada waxaa suuq geysay shirkadda Trillium
Pharma, oo xarunteedu tahay gobolka Haryana. BBC-da uma suuragalin inay
taleefoonka ku hesho madaxda shirkadan.
Dowladda Hindiya ayaan wax jawaab ah ka bixin
digniintii u dambeysay ee ay soo saartay hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO.
Hindiya waa dal dhoofiya dawooyin, iyadoo daboosha
inta badan baahiyaha caafimaad ee dalalka soo koraya.
Laakiin bilihii la soo dhaafay, shirkado badan oo
Hindi ah ayaa isha lagu hayaa tayada dawooyinkooda ay soo saaraan, iyada oo
khubaradu ay walaac ka muujiyeen hababka wax soo saarka ee loo isticmaalo
samaynta daawooyinkan.
Bishii October, WHO waxay ka dhawaaqday digniin caalami
ah waxayna afar sharoobooyinka qufaca ah oo ay samaysay shirkadda Maiden
Pharmaceuticals la xiriirisay dhimashada 66 carruur ah dalka Gambia.
Dowladda Hindiya iyo shirkadda Maiden
Pharmaceuticals labaduba way beeniyeen eedeymahaas.
Bishii March, Hindiya waxay shatiga kala noqotay
shirkaddii soo saartay sharoobada qufaca ee lala xiriiriyay dhimashada 18
carruur ah oo ku dhintay Uzbekistan.
BBC