Warmurtiyeed Kasoo Baxay Shir-Madaxeedka Dalalka Ay Ciidamadu Ka Joogaan Soomaaliya

0
Thursday April 27, 2023 - 19:46:17 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 894
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warmurtiyeed Kasoo Baxay Shir-Madaxeedka Dalalka Ay Ciidamadu Ka Joogaan Soomaaliya

    War-murtiyeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War-murtiyeed


 

Madaxda dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa shir uga socday magaalada Kampala ee dalka Uganda, 26-27 Abriil 2023, waxa ay isku raacay qodobbo ay ka mid yahiin:

 

1-In la hirgaliyo habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024.

 

2- In la helo dhaqaale ku filan iyo taageero saadka ah oo la siiyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, si ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, dhammaadka sannadkan.

 

3-In la qaado cunaqabateynta hubka, lana dhaqan geliyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya si loo helo Soomaaliya nabad ah.

 

4- Waxaa la bogadiyay guulaha Ciidanka Xoogga Dalka  ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada.

 

5-Waxaa hoosta laga xariiqay Qarannimada, Madax-bannaanida Siyaasadeed, & Midnimada Soomaaliya.

 

DHAMMAAD


Loading...
Loading...