Qisada Xanaan Shidane Iyo Waxa Saxda Ah Ee Ka Jiro.

0
Thursday April 27, 2023 - 12:05:32 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qisada Xanaan Shidane Iyo Waxa Saxda Ah Ee Ka Jiro.

    Xanaan uurkii waxay umushay gabar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xanaan uurkii waxay umushay gabar.



Xanaan shidane oo magaceeda saxda ah yahay Baarliin shidane qisadeeda oo aan raadiyay eheladana aan la hadlay waxaay cadeeyeen sida ay wax u jiraan gabadha waxay sheegee wixii ka run iyo wixii ka been ah.


Xanaan shidane walaasheed ka weyn waxaa qabay wiilka xanaan ay ka sheekeynaysay walaalkiis ka weyn waxayna xanaan la nooleed gabadhas ka weyn kadib waxaa ay imaadeen xanaan iyo walaasheed buula burte oo ah meesha qisada ay ka bilaabanee, xanaan oo joogto buula burte waxay is barteen wiilkii dumaashigeed ladhashay oo farmashiye u furnaa qisadana ay sidaa ku sheegtay sheeko hoose ka dib waxay isku guursadeen guur qarsoodi ah ama Qudbo siro sida somalida u taqaan hoos ayay howshooda ka wateen cidana ma ogeyn wiilka iyo gabadha xeregooda



Mudo ka dib xanaan uur ayaa ku soo baxay walaasheedna xamar ayay u safraysay xanaana qarin ka dib walaasheed ayay la wadaagtay in uu qabo wiilka dumaashigeed ah ayna uur u tahay sidii ayay ku noqdeen reer cidiina ay kula xidideen oo guur shaacsan ayaa laga dhigay xanaan walaasheedna xamar ayay ku laabatay


Xanaan uurkii waxay umushay gabar.

Xanan ayadoo gabadhii wadato ayay xamar aaday si reerka u soo booqato xamar markay tagtay ayaa waxay heshay in UK loo qaado wiilkiina waa u sheegtay safarkeeda iyagoo ah reer is og ayay aaday dibada muddo ka dib wiilkii waa uu tahriibay wuxuuna tagay Sweden halkaa ayuu kala xariiray markuu tagay gabadhii ay isku dhaleena xamar ayay joogtay.


Kadib maxaa dhacay?

Xanaan markay UK tagtay waxay si sharci daro ah u guursatay ninkale ayadoo ah naag la qabo markii wiilka uu la xariiray uuna dhahay Swedan iigu imow adigaa sharci haystee waa ka ogolaatay wuxuuna diyaar garow u galay sidii uu usoo dhawayna lahaa xaaskiisa oo


Muddo kala fogaayeen markii uu maalmo waayay imaashaheeda ayuu ku celiyay xariir kii maxaa yeelay ma jirin mobileka gacanta oo markasta layska waco waxaa layskala xariiri jiray line-line sanadkana waa 2004 tii markuu wacay waxaa ka qabtay ninkii guurka beenta ahaa ku qabay wuxuuna weydiiyay wuxuu yahay wuu isku sheegay inuu yahay xanaan ninkeeda uuna iyada rabo ninkii ayaa dhahay xanaan anaa qabo ee maxaa sheegee waa xaaskayga waxayna ii leedahay hada uur ee adiga goormaa guursatay wuu u sheegay in uu yahay ninkeeda ayna u hayso gabar uuna ku qabay somalia sidii ayuuna ugu jaray qadkii dib danbana xanaan isuma helin gabadhiina waxaa wadatay xanaan oo ay hada la joogtaa ayadoo 22 jir ah gabadhii kale ee ninkii kale u dhashayna way haysataa.


Wiilka oo wadaad ah wuxuu cadeeyay in intaa ay tahay qisada run ahaan shaheeda wixii kale ay sheegtayna ay tahay mid been abuur ah dadkii deriska ahaana iyo gabadhii la dhalatayna waa joogtaa iyo walaalkeeda oo hada ku nool UK asna wuu la socdaa qisada wayna la soo xariireen wiilka una sheegeen in uusan u jawaabin uu ka gaabsado.


W/Q Mowliid Abdi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...