Gabaantaan Guyaal Badan Sugneen,Gugan Lahayn Maala,Gondo Gooye Cadawgeeniyo,Gaadh La'an Helay.

0
Thursday April 27, 2023 - 11:38:11 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 838
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabaantaan Guyaal Badan Sugneen,Gugan Lahayn Maala,Gondo Gooye Cadawgeeniyo,Gaadh La'an Helay.

    Bisimilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bisimilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]



Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

 

 

Geyi Ay Garaadiyo Gubeen,Gaalo Waranleeydu,

 

Goshayno Galen Habardugag,Aan La Garanayn,



 

Gurigaaga Cadaw Kugu Jira,Kama Gol Roonatid,

 

Gadh Wadeenadeedan Malah,Geesu Wada Jeedin,

 

Goyn Maysid Gacantaada Midig,Uub Adoo Geliyey,


 

Gondhasga Gaagabsigiyo,Gogagasho Loo Dadsho,

 

Guradaa La Seexshaa Gurbood,Geedi Kugu Dheer,

 

Gurgurqaadka Aan Raragubyoni,Reerka Guri Gee,


 

Guluf Iyo Dagaal Lalama Galo,Gacal Nimaad Tiin,

 

Gar Ma Qaatayaal Iyo Garaad,Geesh Watay Ishelay,

 

Colcas Shilina Gofanan Dhergeynon,Kaba Goahayn,


 

Gabaaray Gondaha Naga Gashoon,Gororba Reebayn,

 

Gujisyaa Galfoofkeeda Cuna,Gaarna Ugu Naaxay,

 

Guulahan Sugayniyo,Nimcadii Qaranku Geeraaray,

 

Gadaal Bay Ka Imantan Laha,Waan Ka Gaabsaday,


 

Gabno Noqotay Gudhanon Dhalayn,Gawe Culaybeen,

 

Gurboodka Iyo Dhalaankii Ku Qado,Gaajo Lediwaaye,

 

Garasha Wax Lagu Meel Marshaa,Gaagaxdo Madhan.


 

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...