Booliska Somaliland Oo Looga Digay Inay Isku Dhacaan Taageerayaasha Suldaan Cadde-gude.

0
Wednesday April 26, 2023 - 22:46:14 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3459
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Somaliland Oo Looga Digay Inay Isku Dhacaan Taageerayaasha Suldaan Cadde-gude.

    "In Ciidamada Boolisku aanay Samaynin Xaalad-abuur Keeni Kara Isku Dhac"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"In Ciidamada Boolisku aanay Samaynin Xaalad-abuur Keeni Kara Isku Dhac"

 

 


 

"Suldaan Cada-gude iyo talye Dabagale”

Hargaysa (HWN) Xoghayaha Cadaalada Waddani Yoonis Axmed Yoonis ayaa  ka digay in ay isku dhacaan Booliska iyo taageerayaasha Suldaan Cadda-gude oo berri lasoo dhawaynaayo, sida uu xoghayuhu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.

 

"Suldaan Cada-gude Waa Hogaamiye Dhaqan  Taageerayaasha Soo  Dhawaynayaa-na  Waxay U Soo  Baxayaan  Soo Dhawayn  Kaliya Sidii Horaba  Madaxda Dhaqanka  Loogu  Soo Dhawayn Jiray  .

 

Somaliland  Soo Dhawayn-ta  Suldaan-kuna Waxay U  Baahan-tahay Inaan La  Siyaasadayn Iyo  In Laga  Ilaaliyo  Wax Kasta  Oo  Keeni-kara Xaalad-abuur  Amniga  Suldaan-ka Iyo  Taageerayaasha  U Soo  Baxaya  Soo Dhawayn-tiisa  Waxa  Ka Mas'uula  Ciidamada  Booliska .

 

Masuuliyada  Ugu Saraysana  Waxaa  iska Leh  Taliyaha  Ciidamada Booliska  Mr Dabagale  Masuuliyada Booliska  Saarani  Waa Laba  Qodob  Oo Kala  ah 

1.  In Ciidamada  Boolisku  aanay Samaynin  Xaalad-abuur  Keeni Kara  Isku  Dhac Iyaga  Dad-waynaha  U Soo  Baxaya  Soo Dhawayn-ta  Suldaanka.

 

 2. Amniga Suldaanka  Iyo  Dadka U  Soo  Baxaya Soo  Dhawayn-tiisa  Waxa Mas'uul  Ka  ah Oo  Wixii  Ka Xumaada  Lagala  Xisaabtamayaa Dawlada  Gaar  ahaan Ciidamada  Booliska  Oo Masuuliyada  Koowaad-na  Uu Qaadanayo  Taliyaha  Ciidamada Booliska  ee  Somaliland Mr  Saqadhi (Dabagale)”


Loading...
Loading...