Gabdhaha sebenkan joogaa waxay rabaan:-

0
Wednesday April 26, 2023 - 10:41:28 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 920
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabdhaha sebenkan joogaa waxay rabaan:-

    Nin lacag leh, aqoon leh, quruxna leh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin lacag leh, aqoon leh, quruxna leh


Nin aan abidkii la guursan maahee xitaa ku hawoon

Nin Jikada gala, Nuunahana ciyaarsiiya (mararka qaar, sida marka Aroos ehelka ah la aado)
Nin aan xilliga Arooska qaybta lexejecladu shaqayn, masalada Israafkana waxba ka aqoon!


Nin goortii la doono lagu xanaaqo laakiin Isagu Farxaannimo la god'gala !
Nin sanadkiiba mar aqalka in la beddelo oggol !
Nin Hooyadeed tuurta ku sida ilaa Xajka laakiin aan duqdaa (hooyadii) hoosta ku wadan (reerkiisa ha dhaqdo ileen wuu guursade)

Nin aqbalikara in mararka qaarkood beenta loo dhuubo laakiin aan Isagu ku safaadin
Nin todobaadkii laba jeer (ugu yaraan) cashada kusoo qaada 'Take-away' sababta aan casho loo karinna gabadha waydiin

Nin aan reerkiisa kharashaadka u xisaabin; laakiin lexejeclo badan oo aan had iyo goor kuwaa walaaladii ah ee meelahaa miyiga kasoo yuusa wixiisa ku faraqin ! (Ha shaqaysteen dee Iyaguba waa rage/ Naagahan (walaalihii) ha biisheen raggii qabay !)

Nin sasabaad iyo ammaan miidhana (xitaa ammaan beena) oo maslaxad u jooga laakiin Isagu caano madaadshaana! (Qalbigiisa dirgax lagu tuman karo)

Nin aan siyaasado, arrimo toleed ama dan-guud habeen ku mashquulin ee had iyo goor danta reerkiisa ku foogan.

Nin maalintii wuxuu suuqa kusoo arko iyo waxay dad is yidhaahdeen gabadha uga warrama (ku qoran ugu yaraan saacad Report dhiibis ah fiidkii).

Nin hadiyad u jooga oo fiid walba bac laalaadin !

Nin la ridi karo sidii Saaruukha oo aan bartilmaameedkii lagu liishaamo seegayn, su'aalla ka keenayn!
Nin wixii la siiyaba iska cuna, meeshii loo goglana iska seexda ! (San, indho iyo carrab bilaa xasaasiyada leh).
Nin daacada oo gabadha ku yidhaahda "Heblaay walaal Passwordkii hore ciyaalku way barteene bal mid cusub oo adag taleefanka iigu xidh, waan la bisanayaaye oo ii yara dhaqso"
Liisku wuu soconayaa.....


صلوا على الحبيب محمد ﷺ "اللهم صل وسلم على نبينا محمد"
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...