Wadahadallada Dowladda Itoobiya Iyo Jabhadda OLA Oo Zanzibar Ka Billowday
Wajigii koowaad ee
wadahadallada u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo jabhadda Oromada ee OLA ayaa
Talaadadii ka furmay dalka Tanzania, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u
sheegay afhayeen u hadlay jabhadda.
Odaa Tarbii oo ah
afhayeen u hadlay OLA ayaa sheegay in labada dhinac ee iska soo horjeeda uu
wadaxaajood horudhac ah uga billowday Zanzibar.
"Wadahadalladan
billowga ah waxaa looga golleeyahay in lagu aasaaso doodo ballaaran mustaqbalka
dhow," ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in Kenya iyo Norway ay ka yihiin
dhex-dhexaadiyaal.
"Waxa marxaladdan
diiradda lagu saaraya in la dhiso kalsoonida iyo caddaynta mawqifyada"
ayuu raaciyay.
Wakaaladda Wararka ee
AFP ayaa sheegtay inaysan u suurtogelin xiriir ay la sameysay dowladda
Itoobiya, kaas oo ku saabsan dhinaceeda warbxinta wadahadalladan.
Ra’iisul Wasaare Abiy
Axmed ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay in wadahadalka OLA uu furmi doono
Talaadada, balse ma uusan bixin wax faah-faahin ah.
Wasiirka arrimaha
dibadda Tanzania Stergomena Tax oo la hadlay warbaahinta Talaadadii shalay ayaa
sheegtay inay aqbaleen codsi ku aadan martigelinta wadahadalada, isla markaana
wufuudda qaran ay bilaabeen in ay yimaadaan.
Jabhadda OLA oo ah
jabhad hubaysan oo kasoo jeedda gobolka Oromada ayaa dagaal kula jirtay Addis
Ababa tan iyo sanadkii 2018-kii markaas oo ay ka go'een Jabhadda Xoraynta
Oromada ee OLF markii ay ka tanaasuleen halgankii hubaysnaa.
Tan iyo markii jabhadda
OLA ay jabtay oo ay dagaalka bilaabeen, waxaa soo baxay kooxo hubaysan oo ku
sugan Oromiya oo sheeganaya inay qayb ka yihiin qadiyadooda, inkastoo ay si
dabacsan u xidhan yihiin.
VOA