Dagaalka Sudan Oo Dib U Billowday Inkastoo Xabbad-Joojin Lagu Dhowaaqay
Dagaal ayaa mar kale ka
qarxay Sudan habeenkii Talaadada, inkasta oo ay xabbad-joojin ku dhowaaqeen
dhinacyada dagaallamaya, halka ergeyga QM uu sheegay in xabbad-joojint ay qeyb
ahaan dhaqan gashay.
Ciidamada Militariga
iyo kuwa sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic ama RSF ayaa xabbad-joojin
72 saac isku raacay taasi oo billaabaneysay Talaadadii kadib dhex-dhexaadin ay
sameeyeen Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya.
Hase yeeshee rasaas iyo
qaraxyo ayaa xalay laga maqlayey magaalada Omdurman, halkaasi oo ciidamada ay
adeegsadeen diyaarado aan duuliye lahayn si ay u beegsadaan aagagga Dacmu
Sariic, sida uu sheegay weriye ka tirsan Reuters.
Militariga ayaa sidoo
kale drone u adeegsaday si ay dagaalyahannada uga celiyaan goob saliidda lagu
sifeeyo oo ku taalla Bahri, oo ah magaalada saddexaad ee ku teedsan webiga
Nile.
Ergeyga gaarka ah ee QM
u qaabilsan Sudan, Volker Perthes ayaa Golaha Ammaanka u sheegay Talaadada in
xabbad-joojinta "ay u muuqato inay illaa hadda ka dhaqan-gashay qeybo ka mid ah
dalka.”
Hase yeeshee wuxuu
sheegay in dhinacna aanu muujin inuu diyaar u yahay "wada-xaajoodyo dhab ah,
taasi oo muujineysa in labada dhinacbna ay la tahay in guul militari oo midba
kan kale uu ka gaaro ay suurta-gal tahay.”
"Tani waa xisaab
khaldan,” ayuu yiri Perthes, isaga oo intaas ku daray in garoonka diyaaradaha
Khartoum uu shaqeynayo balse ay waxyeello gaartay.
Tan iyo markii uu
dagaalka billowday 15-kii April, ciidanka Dacmu Sariic ayaa galay xaafadaha ay
shacabka degan yihiin, waxaana militariga ay billaabeen inay dusha sare uga
beegsadaan duqaymo.
Dagaalka ayaa xaafadaha
shacabka ka dhigay furimo dagaal. Duqeymaha iyo hubka taankiyada ayaa dilay 459
qof, wuxuuna dhaawacay 4,000.
Waxaa burburay
isbitaallada, halka cunno yari ay ka jirto dalka oo saddex meelood meel ka mid
ah 46-ka milyan ay ay ku nool yihiin gargaar.
Gantaal Talaadadii ku
dhacay xarunta caafimaad ee Al-Ruumi ee magaalada Omdurman ayaa waxaa ku
dhintay 13 qof, sida ay sheegeen saraakiisha isbitaalka.
Kooxda amniga qaranka
ee madaxweynaha Mareykanak Joe Biden ayaa weli wada-hadallo la leh labada
Jeneraal ee iska soo horjeedda ee dagaalamaya, si dagaalka loo soo afjaro oo
gargaar bani’aadannimo loo gaarsiiyo shacabka, waxaa sidaas Talaadadii sheegay
afhayeenk Aqalka Cad.
VOA