Haweenaydii Ugu Horaysay Oo Ku Biiraysa Golaha Wakiilada Somaliland.
Hargaysa (HWN)
Xildhibaan Axmed Khaliif oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay
in golaha wakiilada ay qurux ku soo kordhin doonto Wasiir Aamina fariid oo ku
biiraysa Golaha wakiilada noqonaysanaya haweenayda
keliya oo golahaasi ku jirta.
"Mudane Wasiir
Kusoo Dhawoow Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland Waxaan Kugu soo
Dhawaynayaa Gole aad Kaligaa Katahay wax
dumar ah.
Waxaan Kuu Rajaynayaa
inaad Kaalin wayn ka qaadan doonto Quruxda Golaha iyo Muuqalkiisaba, Wax
wayna aad Nagu soo kordhin doonto, Soo
dhawoow Mama Aamina Fariid” ayuu yidhi Xil- Axmed Khaliif.
Aamina Fariid oo hada
ah Wasiir katirsan Xukuumada Muuse Biixi ayaa lagu wadaa inay buuxiso booski uu
baneeyay xildhibaan Dhawaan ka geeriyooday Golaha Wakiilada Somaliland.