Kulan Xasaasiya Oo Dhexmaray Ex. Wasiir Duur iyo Gud. Cabdirisaaq Khaliif
Hargaysa (HWN) Wasiir
hore ee arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa kulan la
qaatay Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo ku sugan dalka Turkiga.
Ex. Wasiir Duur ayaa
qoraal ku saabsan kulanka uu la yeeshay Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo uu baahiyay
ku yidhi :-
"Gudomiye sidee
xal nabadeed lagu helayaa ?
Allah ayaynu la kaashanaynaa sidii xal
nabadeed loogu heli lahaa xaalada cakiran ee ka taagan gobolka sool .
Xalkuna ku Iman maayo
dhaqdhaqaaq la'aan , iyo inaynu ku eekaano xaydaabka iyo Rayiga Hal daraf oo
keliya , waa in aynu ogaano Cid kasta
sida ay xalka u aragto .
Gudoomiyaha Golaha
Wakiilada Mr, Abdirisaq khalif Ahmed
, waa masuul wayn oo xil wayn ka haya
somaliland waana nin u dhashay dadka iyo
deegaanada colaadu ku habsatay , hadana wuxuu dhex joogay oo uu la qaybsaday
dhibkii dadkiisii iyo deegaankiisii !
Hadaba waxaan safar
duulimaad oo saacad qaatay ugu tegay Gudomiyaha oo hada ku sugan magaalada
Ankara ee dalka Turkiga . Anigoo intii colaadaasi jirtay ka maqnaa dalkii
hadana u ku sii jeeda , waxaanu ka duulay su'aashaa kor ku xusan , sidee xal loo heli karaa ? Iyo sidee adoo ka
tirsan waayeelka ama odayba u ah labadii
dhinacba (somaliland iyo dadka deegaanka) sideed gudoomiye xal u araagtaa ? Waa
su'aal aragtidayda qof labadii dhinacba meteli kara mudan in lay waydiiyo , waa
su'aal xogogaal raadin u noqon karta marka la eegayo gaar ahaan Gudomiyaha oo
hada mudooyinkii danbe ku sugnaa in
badan gudaha laascanood .
Waa waxaan qabo hadii aan dareenka walaalka
aanad hayn oonad ogayn wuxuu qabo , si
kasta haloo kala fogaadaa xal Iman maayo
.
Hadii aan lays tixgelin labada dhinacba oo
Cid kasta dhegaysato waxay jeceshahay oo keliya xal Iman maayo .
Xalku waa inaad dhegaysan kartaa waxa
Kan ku diiday ama kula diriray uu qabo .
Guud ahaana waxa marag ma doon ah , inaanay
jirin Cid guul ku gaadhaysaa colaad iyo dhiiga dadka walaalaha ah , xal waa ma huraan waqtiga se uu Imanayo ayaan
cid ogi jirine , yaan laga quusan wanaaga iyo raadintiisa .
Taladii uu bixiyay gudoomiyuhuna inta xal
raadinta u dadaalaysa ee culimo iyo waxgarad lehina waa ogaan karaan waana la
wadaagayaa insha allah"
W/Q: Maxamed Nuur
Caraale Duur.