Axmed Muumin Seed Oo Muuse Biixi Usoo Jeediyay In Uu Ku Daydo Madaxwaynaha Rwanda.

0
Tuesday April 25, 2023 - 14:59:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Axmed Muumin Seed Oo Muuse Biixi Usoo Jeediyay In Uu Ku Daydo Madaxwaynaha Rwanda.

    "Mid ka mida hogaamiyayasha aan wax kabarto( Paul Kagame)"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Mid ka mida hogaamiyayasha aan wax kabarto( Paul Kagame)"



Hargaysa (HWN) WasiirKii hore ee Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in uu wax ka barto Madaxwaynaha dalka Rwanda Paul Kagame, isagoo xusay in horumarka dalka Rwanda gaadhay uu horsed uyahay madaxwaynaha dalkaasi, sida uu Seed ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.

 

"Mid ka mida hogaamiyayasha aan wax kabarto( Paul Kagame)

Waxa ii muuqda in horumarka  Rwanda gaadhay ay sabab u tahay Hogaanka madaxweynaha tallada gacanta ku haya ee Paul Kagame Iyadoo dalkaas xasuuq dhiig badan ku daatay ka dhacay hadana Paul Kagame waxa uu caalamka baray dad is dillay iyo dal dib u dhacsan in uu ka samayn karo dad iyo dal ishaysta horumar la taaban karana ku talaabsaday.

 

Si taariikhda madaw ee dilka, dhaca, xasuuq iyo barakicinta dalka ka soo dhacay loo ilaawo waxa guud ahaan manhajka waxbarashada dalkaas laga saaray taariikhdaas madaw.

 

Hogaamiyahaasi runtii waxa uu ahaa hogamiye daacad ah lehna aragti dheer oo u suurageliyey muddo yar gudeheed in uu kaga saaro marxaladii adkayd gaadhsiiyayna iskufilaansho dhinacya badan taabanaya sida dhinaca dhaqaalaha, diblumasiyada, waxbarashada iyo guud ahaan technologyada.

 

Waxa mudan madaxda  somaliland iyo madaxda Afrika in ay cashiro badan ka bartaan madaxwayne Paul Kagame sida uu iskugu hayo dadka reer Rwanda horumarna uga dhaliyey dalkiisa Rwanda” ayuu ku yidhi qoraalka uu Baahiyay Axmed Muumin Seed.

 

Hadalkan ayaa umuuqda mid duur xul ah oo uu hawada umarinayo Muuse Biixi oo dadka qaar ku eedeeyaan in uu umadii kala qaubiyay, halkii uu isku hayn lahaa.


Loading...
Loading...