Dayax-gacmeed Uu Leeyahay Imaaraadku Oo Sawiro Ka Soo Diray Meeraha Mars
Dayax-gacmeed lagu
magcaabo Amal ama Rajo, oo uu laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa
qaaday mid ka mida sawiradii ugu wanaagsanaa ee laga qaado dayaxa yar ee uu
leeyahay meeraha cas ee Mars.
Dayax-gacmeedka Amal
ayaa u jirsaday illaa 100 KM dayaxa Deimos bishii hore, iyada oo muuqaalada uu
qaaday dayax-gacmeedkaasi la sii daayey Isniintii. Duulimaadkan ayaa noqonaya
kii masaafada ugu dhow u jirsaday dayaxa meeraha Mars muddo ku siman nus qarni.
Dayax-gacmeedkan ayaa
sidoo kale sahamiyey dhinacyo durugsan oo aan xog badan hore looga haynin oo ku
yaalla dayaxa meeraha Mars. Meeraha Mars ayaa leh laba dayax oo kala ah Deimos
iyo Phobos.
Hessa al-Matroushi oo
ah saynisyahanad hoggaaminaysa hawlgalkan ayaa sheegtay, in dayaxa Phobos uu
illaa haatan yahay mid soo jiitay dareenka, balse uu haatan ku soo biiray
dayaxa labaad ee Phobot"