Mucaaradka Kenya Oo Cayimay Maalinka Ay Dib U Billaabi Doonaan Dibad-Baxyada
Mucaaradka dalka Kenya
ayaa dibad-baxyada ka dhanka ah dowladda dib u billaabi doona 2-da May, waxaa
sidaas wakaaladda wararka AFP u sheegay afhayeenka hoggaamiyaha mucaaradka.
Dibad-baxyada ayaa la
hakiyey ku dhowaad saddex toddobaad kadib markii dowladda ay yaboohday
wada-hadallo.
"Waxaan dibad-baxyada
dib u billaabi doonnaa 2-da May,” ayuu yiri Dennis Onyango oo ah afhayeenka
Raila Odinga, oo abaabulay dibad-baxyadii bishii tagtay. "Waxay dibad-baxyada
ka billaaban doonnaa Nairobi,” ayuu yiri Onyango.
Onyango ma uusan
sheegin sababta ay mucaaradka ugu baaqeen in dibad-baxyada dib loo billaabo.
Hase yeeshee mucaaradka ayaa horey uga digay inay sidan dhici doonto haddii aan
horumar la taaban karo laga sameyn wada-hadallada.
Odinga ayaa
hoggaaminayey dibad-baxyada ka dhanka ah dowladda, isaga oo ku dooday in lagu
shubtay doorashadii madaxweynaha ee bishii August iyo sidoo kale wax uu ugu
yeeray in dowladda ay ku guul-darreysatay inay wax ka qabato qiimaha nolosha ee
sare usii kacaya.
Saddex qof ayaa
geeriyooday, goobo ganacsina waa la bililiqeystay saddex maalmood oo bishii
tagtay ay socdeen dibad-baxyo rabashado watay oo ka dhan ah dowladda.
Sidoo kale booliska
ayaa laba qof ku toogtay magaalada Kisumu, halka sarkaal boolis uu u dhintay
dhaawacyo kasoo gaaray isku dhacyo ka dhacay magaalada, sida ay sheegeen
mas’uuliyiinta.
Bishan horraanteeda,
Odinga ayaa ku dhowaaqay in la hakiyey dibad-baxyada kadib markii madaxweyne
William Ruto uu ku baaqay in wada-hadallo lagu xaliyo dhibaatooyinka jira.
Madaxweynaha ayaa soo
jeediyey in la abuuro guddi baarlamaani oo labada dhinac ah, si ay uga
shaqeeyaan walaacyada la xiriira hannaanka doorashada.
Odinga ayaa soo
dhoweeyey "xalka nabadeed” ee Ruto. Hase yeeshee waxa uu sidoo kale ka digay
"Waxaan xaq u leenahay inaan ku baaqno dibad-baxyo haddii hanaankan uusan miro
dhalin.”
Odinga, oo looga
adkaaday shantii doorashado madaxweyne ee ugu dambeeyey, ayaa toddobaadkii
tegay sheegay inuu shaacin doono qorsheyaal cusub oo la xiriira dibad-baxyada
mustaqbalka kadib dhammaadka bisha Ramadan.