Daba-Gaale Abeeso Dushaas Buu Ka Qabaa (Abdi-Shotaly.

0
Monday April 24, 2023 - 10:06:01 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 1119
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Daba-Gaale Abeeso Dushaas Buu Ka Qabaa (Abdi-Shotaly.

    * N.B Nin Iinlaw Daa Gujadda Adaa Gar-daradda Wadee!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Nin Iinlaw Daa Gujadda Adaa Gar-daradda Wadee!



Marka hore Alle ha Ina Hareer mariyo, oo ha inaga qabto

balaayoo-yinka ka dhacaaya aduunka,

haday cudur yihiin iyo hadadii ay dhibaato kale yihiin intaba, oo ay ku jiraan askarigan Waalan iyo koox-diisa dalka rogay. Waxa ii raaca intaas, oo aan doonayaa in aan halkan idiinku fasiro, xaalka uu ku sugan yahay dal-keenii beri la odhan jirey " Somaliland" Anoon filayn-ba in ay wax ka sii qiiqayaan hadda. Aan idin soo hor dhigo sawirka runta ah ee uu leeyahay wakhtigan, Sidaas oo ay tahay aan idiin bilaabo'e, Somalia baa ku guursatay " Meherul-shardi" suubis ah iyo qarsoodi Somaliland kuna qabta, sidaas-na ku dumaashay, markii ay wadda shahiideen raggii ay u dhaxday, sidda Abdirahman Ahmed Ali, Maxamed Cali, Kood-buur, Ibrahim layla, Lixle, Ina saleebaan weyne, Koosaar, Xasan kayd, Ina habane, Mamed cali, Harg-waafi lama soo koobi karo iyo qaar kaloo badan ( Dhamaan illaah ha u naxariisto'e), illaah-na caafimaad ha siiyo weli inta noole sidda Dhega-weyne iyo Axmed Mire. Cabdiraxmaan Maxamed Case, Waxa dhab noqotay ummad yahay, oo aan shaki iyo mad-madaw mid-na ka joogin, odhaah-ddii reer koonfureed ku sheekayn jireen ee ahayd " Aloore Xamar baa laga daaraa Hargeysa" Waa dhab oo "Raggii ma adigaa ka hadhay" ee ku jira Xafaatooyadda Xamar buu maanta hoosta Gacan saar kala leeyahay oo Xaqiiq a ah, oo amar toos ah siiya askarta ka shimbiro waaq-leeya guriggii Moorgan " Xaafad-tooyadda" Waxana quraba-siraad hoose, oo ku shaxaad tag ah ugu meheriyey, uguna baryo tegay, la is dhaaf-saday, in dalka la xaraasho " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo ka iska daba ordda, ee la yidhaaho Geenyo Shaaximan" Sidaas banana Xamar la inoogu gal-mootaa, uguna xiloodisaa Somaliland, Waxana ay ku dambaysay Inan-taas u dhaxday Muqdisho. Sidaa oo ay tahay baa waxa Guriggii Moorgan laga wado, Mucaaridka lagu masabidayaa, waxay leeyahay " Nin iin-law daa gujadda" waa kan sawirkii dhabta ahaa ee ku soo dhawadda.



 

Maah-maah baa ahayd " Waayeel hor-tiisa baa caano loogu biyeeyaaye" oo la yidhaahaa , wax kale lama hayo ee siddas ku cab waa kugu khasabe, waayo wax kale lama hayo, haduu qofku diidana isaga bay gaajo iyo haraad kala goosan doonaan, waayo wax cunto ah ama la cabaa-toona ma jiraan, lamana helaayo ee sidaad doonto ka yeel. 


Aan dib ugu soo noqdo cinwaanka sare oo idiin fasilo'e, Bahalka la yidhaaho "Daba-gaalaha waxa xaas-kiisa ah, oo aan la dhex marin saaxib-nimo awgeed, bahasha la yidhaaho " Abeesadda" Waana ay isku qadhaab-taan, waxa uu guri-goodu yahay, hog ka hoos qodon geedka la yidhaaho "jeerinka" Daba-gaaluhu wuxu u soo guraa bahalka la yidhaaho " Quulaha"ee ka baxa geed-kaas, waayo iyadu ma fuuli karto, oo kama soo guran karto, aadna way u jeceshay quulaah, laakiin isaga baa shaqa-daas u qaabilsan oo fuuli kara geedka, hadaba markuu soo guro 


"Quulaha" Wuxu u dhigaa gunta hoga, waana la is gonda og-yahay, oo hoosta waa ka saaxiib, guud-kana wax dadka la tusaa in ay col daahood go'ay yihiin, hadaba muwaadin, waxa la isla galaa hogaas wakhtigii la isla yaqaanay, kolka ay isheedu-ka jeesato, ee ay damacdo in ay cunto " Quulaha" uu Daba-gaaluhu gunta u sii dhigay, si ay uga jeesato isaga, oo aanay iska arkin, ay bilawdo cunista, buu madaxa kaga boodaa, hal-kaas baanay xisaabtu ku dhex martaa, intay iska dhigaan siddii wax is dilaaya, laakiin waa hab iyo qaab la isla yaqaano, oo sidaas baa u caadi ah ( waa farsamo lagu hesiis yahay). " Daba-gaale" baa la waraystay oo la yidhi " Maxaa adiga iyo xaas-kaaga abeeso isku kiin direy? Oo idinka oo aan dagaalamin hawshiina u dhamaysan waydeen?" Wuxu ku jawaabay Mr "Daba-Gaale" Niman-yahw xilahay-ggii, baa illaahay sidaas ka dhigay, ee maxaan sameeyaa si kale wax u heli-maayo'e?


 

Waxan maanta sheekadan u soo qaatay hadaba, aan idiin sii balba-laadhiyo''e, kuna soo xidhay maqaalkan, dhawr tuduc ama bayd oo ka mid ahaa silisladdii la odhan jirey " Deelay" oo si wacan idiinku qeexaysa, qaabka ay u wadda shaqeeyaan " Muqdisho iyo Xaafad-tooyadda Hargaysa" Taas oo ah " Daba-gaale abeeso, dushaas buu ka qabaa, dadka oo bal arkaya, ma daan-daansan karo, dusha waa u colaad, duunka waa ka heshiis, in uu duur la huluushana, dareen baa kala gaadhay, daka-nooyin horeetiyo, doogo soo kicinaaya, misna laysma danqaabo, hawsha way damba-saan,oo dambaa-bidho hoose, baa la dawda-bayaa". Aan xaqiiq-dda farta idinka saaro'e, u soo faadhi-maysta, siddii hal diyaar ah oo loo balysimay in la liso. oo ila akhriya qoraalkan. 


Muwaadin waxay tahay ujeedadu, " Daba-gaalahu" Waa ka Muqdisho " ka ah badhi-saabka, kuu u guro "Quulaha" ee abeesadda ahina waa raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geen-yadda iska daba ordaysa" Sidda abeesa-daas iyo Daba-gaala-haas, baa hoos ta laga heshiis yahay, dad-kana la isu tusaa laba col ah, hoga-na wax baa la isku waydaar-sadaa, oo Somaliland baa loo heshiiyey, muquulka guud-na wax kale baa indhaha dadka la tusayaa, taas oo ah in ay col yihiin, hoosna waa la isu " Xiloodiyaa", markay is rabaan-ba frasama-dooddii baa la isugu tagaa. 


Dhalan-teed-kaas baa dhaayaha bani'aadmka ay u muujiyaan, misna waa kuwaas hoga hoos-tiisa ay xisaab-toodda ka sii wataan. Waxa-se ay diidan yihiin " in la isku qabto iyaka oo is fuushan, oo la Yidhaahdo aa isu kiin meherino? Waxa cayn-kaas ka dhigan " labadda hor jooge ee Muqdisho iyo Xaafad-tooyadda", Macma-caanka iyo kuruska waa la wadda cunaa, af-kana boodhka baa la inoo soo marsanayaa, Oday " Daba-gaale ( Waa Xasan sheekh), isaga baa reerka xukuma, oo islaan-tiisa Abeeso iyo wiil-keedda ( Waa raggii ma adigaa ka hadhay iyo canu-giisa geenyo shaaximane), qarsoodi baa wax la isku waydaar-sadaa, ee ummad yahay sidaas ula socdda, Daba-gaale Xasan sheekh baa ku xukuma'e ee doorsho ma laha " Xaafad-tooyadu", oo sanka baa u daloola.


 

* N.B Nin Iinlaw Daa Gujadda Adaa Gar-daradda Wadee!

Qore:- Abdi-shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...