{Mooto Bajaaj} Waa Qormo Cajib ah oo jawaab u baahan
Mamulka gobolka banadir wuxuu soo jediyay go'an ah in mootada laga kala dhigo A iyo B taas oo la macno ah in bajaaj walbo shaqeyso 15 maalmood kaliyah bishiba
Qodobka 1aad : Mootada waxay joogta $ 4,300 dhaman taariko iyo sharaxad
Bil walbo waxaa laga qaada $ 15 aan joogsi lehen xitaa hadii eysan bishaan shaqeyn
Sanadki buugeeda waxa lagu cusbooneysiiya $ 52
Rinjiga calaamada waxaa la ii shegay inuu yahay $ 60 taas oo guri dhan lagu runjiyeyn karo hadiiba eey dheceyso $ 5 kama badna
Qofka darawalka ah maalin walbo $10 kiro ah buu siiya qofka milkiilaha ah ayadoo shidaalka iyo noloshiisa u sii dheertahay
Hadi la dhoho 15 maalin shaqey waa in canshuurta naqata $ 7.5 buugana noqda $ 26
Bajaajlaha ma ahan tuug
Ma heysto jid mar walbo u furan oo ku shaqeysan karo
Ma heysto askar taraafiko ah oo jidadka u kala hagto taraafikada meelaha qaar bey joigan dhaqanka eey ku joogaane cid walbaa taqaaan
Eeda gobolka an u soo jeedinayo
Mootada adinka dakada ka soo dajiyay magaalka maka war qabin miyaa xiligaas ?
Mootada adinkaa taariko u jaray maxaa u joojin weydeen hadii eey magalka ku badatay maaadan daremin miya xiligaas aad lacagta ka qaadaneyseen ?
Darawalka intaas oo canshur ah bixiyo xaq wuxuu u leeyahay inuu helo jid mar wlabo u furan iyo taraafiko kala hagto mar walbo.
Sidee macqul ku noqone qof aad intaas oo qarash ah ka qadag inuu kaa ogolaafo 15 maalin bes shaqey ?
Maxa ka dhalan karo hadii fikirkaan hir galo
1. In dadka mootooyinka leh in eey dacwad iyo buuq ku bilowdo ilen mootada malin walbo ayuuto bey ku jirta mana loo heli kRo ama banki ayaa deen looga soo qaaday mana loo heli karo lacagtiisa .
2. In dadka aan bajaajta milkiyadooda eheen eey waaayaan wax ey ka shaqeestaan taas oo sababi karto iney ku kacan falal amni daro
3. In shacabka lagu qaaliyeeyo lacagta lagy raaco bajaajta %50 ileen hal malin buu raba faidada laba malin inu shaqeyo.
Marka dowlada dan nooce ah baa ugu jirto hanoo shegto dhankee ayeyna ka fiirisay qof dhalinyara ah oo dalkiisa inuu ka shqesto ku qancay in intaaso dhibaato ah la geliyo ?
W/Q Shafie Hilowle Ali
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!