Dhammaan Shaqaalihii Safaaradda Maraykanka Oo Laga Daad-Gureeyay Suudaan
Madaxweynaha Mareykanka
Joe Biden ayaa xalay sheegay in militariga Mareykanku ay soo afjareen
daadgureynta shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Suudaan, wuxuuna ku baaqay in
lasoo afjaro rabshadaha aan "mabda'a laheyn" ee halkaas ka dhacay,
iyadoo laba hoggaamiye oo iska soo horjeeda ay ku loollamayaan awoodda Sudan.
Biden ayaa u
mahadceliyay ciidamada Mareykanka ee fuliyay howlgalkii lagu soo saarayay
shaqaalaha Mareykanka ee ku suganaa Suudaan.
Daad-gureyntan, ayay
Washington ku xirtay safaaradda Mareykanka ee Khartoum muddo aan la cayimin,
waxaana shaqaalahan loo duuliyay meel aan la shaacin oo ku taalla Itoobiya,
sida ay sheegeen laba sarkaal oo Maraykan ah oo xog-ogaal u ah hawlgalkan.
Ciidamada Maraykanka
ayaa hawlgalkan fuliyay, iyadoo dagaalkani uu u dhexeeyo laba taliye oo
hubaysan - kaas oo lagu dilay in ka badan 400 oo qof, kaas oo Sudan galiyay
halis burbur iyo cawaaqib xumo ka durugsan xudduudaheeda, waxaana uu dagaalkani
galay toddobaad labaad.
"Waxaan si weyn ugu
faanayaa shaqaalaha safaaradeenna oo waajibaadkooda u gutay si geesinnimo iyo
hufnaan leh, isla markaana muujiyay saaxiibtinimada Maraykanka iyo xiriirka
dadka Sudan,” ayuu Biden ku yiri hadal uu soo saaray. "Waxaan ka
mahadcelinayaa xirfadda aan lasoo koobi karin ee ciidankayaga, kuwaas oo si
guul leh shaqaalaha ugu qaaday goob ammaan ah" ayuu raaciyay Biden.
Biden waxa uu sidoo
kale u mahad celiyay Jabuuti, Itoobiya, iyo Sacuudiga oo gacan ay ka geystay
howlgalka lagu soo daad-gureeyay shaqaalaha safaaradda Mareykanka.
Biden ayaa ku amray
ciidamada Mareykanka inay daadgureeyaan shaqaalaha safaarada kadib markii uu
talo soo jeedin ah ka helay kooxdisa amniga qaranka Sabtidii.
VOA