Xildhibaan Maareeye Oo Kashifay Mooshin Ka Dhan Ah Xukuumada Raysal Wasaare Xamse

0
Saturday April 22, 2023 - 19:32:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2721
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Maareeye Oo Kashifay Mooshin Ka Dhan Ah Xukuumada Raysal Wasaare Xamse

    "Saaxiibaday waxaan u sheegay in inkasta oo aanan ka mid ahayn Xukuumada RW Xamse"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Saaxiibaday waxaan u sheegay in inkasta oo aanan ka mid ahayn Xukuumada RW Xamse"



Muqdisho (HWN) Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shaaciyay inay jiraan xildhibaano wada mooshin lagu ridayo Xukuumada uu Raysal wasaaraha ka yahay Xamse.

 

Maareeye ayaa intaasi ku daray in ay qaar kamid ah xildhibaanadu usoo bandhigeen in uu qayb ka noqdo mooshinka lagu ridayo xukuumada balse uu arinkaasi ka gaws adaygay, sida uu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay xildhibaanku.

 

 " Xildhibaano aanu saaxiibonahay oo meelo kala duwan jooga ayaa habeenadan ila soo xidhiidhaya oo igala hadlaya in aan ka qayb-qaato kambayn-ka Mooshin lagu ridayo Xakuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse.

 

Saaxiibaday waxaan u sheegay in inkasta oo aanan ka mid ahayn Xukuumada RW Xamse  hadana in aanan jecelayn in la rido xukuumada, waayo waxaan ku faraxsanahay oo dawladda ku amaanayaa dagaalka ay kula jirto argagixisada iyo sida ay wax uga qabatay Amniga Magaalooyinka qaar sida Muqdisho, hadii hada la furo muran siyaasadeed ama xukuumada la ridona wax waliba waxay ku noqonayaan zero.

 

ilaa xiligii UNITAF ee 1993, waxaan u soo joogay oo cibrad weyn u leeyahay sida markasta oo Soomaaliya ay u soo ifto nabad, deganaansho iyo dawladnimo sida ay dawlado caan ah oo la yaqaan oo adeegsanaya Wakiilo gudaha ah oo marxali ah (marba ninkii xanaaqsan ee dareen qabiil ama mid xil shidayo) dhabarka uga jebin jireen oo u kala tuuri jireen rajada iyo dawlad dhiska ummadda Soomaaliyeed.

 

Maanta oo Mooshin iyo buuq siyaasadeed la furo waxay la mid tahay Shabaab waa sii jabayaa haloo hiiliyo oo dalka ha joogo, deynta ayaa la cafinayaa oo dalka maalgashi baa imaanaya ee hala kala tuuro oo dalka iyo dadku tuugsigoodii ha ku sii jireen, shirarkii Madasha, Dhameystirka Dastuurka, dhismaha Dawlad dhiska ee hawluhu ka socdaan hala istaajiyo, waxaasoo dhana sidii aan arki jiray waxaa dabada ka riixaya oo Qarash ku bixinaya Dawlado Shisheeye. Xildhibaanada walaalahay ah waxaan kula talinayaa yaan sidaas la yeelin ee dalka iyo dadka haloo tudho”


Loading...
Loading...