Maxay Tahay Digniinta Dawlada Hoose Ee Hargaysi Ay Udirtay Shacabka Caasimada?

0
Saturday April 22, 2023 - 19:18:17 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Digniinta Dawlada Hoose Ee Hargaysi Ay Udirtay Shacabka Caasimada?

    "Sidoo kale gaadiidlaydu yay nafahooga iyo hantidooda ku halaagin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sidoo kale gaadiidlaydu yay nafahooga iyo hantidooda ku halaagin"


 


Hargaysa (HWN) Xafiiska maaraynta khataraha masiibooyinka ee dawladda hoose ee Hargeysa , ayaa digniin udiray  dadweynaha reer Hargeysa iyo dadka wada gaadiidka .

 

Qoraal uu soo saaray xafiiskaasi ayaa lagu yidhi sidan "waxa la rajaynayaa maanta illaa toddobaad  soo socda inay roobab ka da’aan caasimada iyo nawaaxigeega Sidaa daraadeed halaga diyaargaroobo goobaha biyomareenada ah, dooxyada, dhaamamka, baraagaha iyo wadooyinka waa waynba.

 

Sidoo kale gaadiidlaydu yay nafahooga iyo hantidooda ku halaagin dooxyada waawayn. Shicibooow caruurtaada ka ilaali oo hadaad biyo mareen ama doox dul degantahay ka fogoow.

 

Saadaashu waxay sheegaysaa maanta oo ay bishu tahay 22 April inuu Roobku ku di’i karo 61%. Sidaa daraadeed qof walowba ka diyaargarow” ayaa lagu yidhi qoraalka.

 

Wadooyinka magaalada Hargaysa ayay qaar kood isku bedelaan dooxyo marka uu roob da’o, taasi oo sababta khasaare kala duwan oo kuyimaada gaadiidka caasimada Hargaysa.

 

Waxaana la xasuustii Dhawan roob kada’ay Hargaysa oo qaaday gaadhi ay rakaab saarnaayeen, kaasi oo ay ku dhimatay Hooyo ciyaal Haysatay.


Loading...
Loading...