Dano Gaar Ah Qaarlaa, Dadkii Loogu Dawgalay,Dumarkiyo Caruurtii Ayay Bacadka Daadsheen.

0
Saturday April 22, 2023 - 16:29:15 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1006
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dano Gaar Ah Qaarlaa, Dadkii Loogu Dawgalay,Dumarkiyo Caruurtii Ayay Bacadka Daadsheen.

    Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

 


Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B] 


Tu Khaas Ahana Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

Dadko Nabad Ah Dunido Camiran,Duunyo Iyo Maal,

 

Dugsiyo Jaamacado,Nimcaday Dawladnimo Keentay,



 

Dabkaad Gelisay Soow Manu Gubin,Degeladii Beesha,

 

Durbaan Beena Bay Kuu Tumeen,Magacii Daroodku,


 

Dabinkay Kuu Maleegeen,Ayaad Dalaq Tidhaahdeen,

 

Dagaalamaay Garaadkii Lahaa,Dib Uma Soo Laaban,


 

Deriska Ka Khayr Badan Qabiil,Aan Dan Kuu Wadine,

 

Dumin Qaran Hadaad,Doonayseen,Damacii Beenoowe,


 

Degenaan Dulqaad Lagu Wadaa,Dawladnimo Beera,

 

Degdegu Waa Belaayo,Duulkayaga Loogu Dawgalay,


 

Dabay Demin Karaan Bay Waqood,Dogobyo Saaraan,

 

Dal Midaysan Duul Wada Dhashay,Kala Dareershan,


 

Dulmi Ururay Duudsiga Qarxaan,Ciddi Daboolaynin,

 

Haddii Uu Dilaacaan La Helin,Daawo Lagu Baanto,


 

Durugtay Xaajadeenii Hadday,Diriyo Daaroodtay,

 

Duugoobi Maayee Nabsigu,Dabagelbuu Leeyay,


 

Hayeeshee Dirkeedu Ha Ba’ee,Doqontu Waa Moog.


 

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...