Imtixaanka Shahaadiga Iyo Ilaalada Shaqo Qaran. Qore Dr. Buux Ibraahim Aadan ( Juba Yaa Gubay)

0
Sunday June 23, 2019 - 12:38:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1195
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imtixaanka Shahaadiga Iyo Ilaalada Shaqo Qaran. Qore Dr. Buux Ibraahim Aadan ( Juba Yaa Gubay)

    Imtixaanka shahaadiga ah iyo ilaalada shaqo qaran Maanta 20 jun 2019 khamiis waxa si wanaagsan u soo dhamaaday ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Imtixaanka shahaadiga ah iyo ilaalada shaqo qaran Maanta 20 jun 2019 khamiis waxa si wanaagsan u soo dhamaaday , gabagaboobay, dhamaan dalka jsl imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalada 4aad dugsiyada sare iyo  fasalada 8aad dugsiyada dhexe  ee gobolada iyo degmooyinka dalka jsl  dhamaan

 


Shaqo qaran waa barnaamijka madaxwaynaha jsl mudane muse biixi cabdi uu u tabobaray inamo dhalinyaro ah oo ku sifoobay daacadnimo hawlkarnimo  dadaal shaqo  waa dhalin yaradii sida hawlkarnimada leh uga qayb qaatay  qabsoomida ilaaladii imtixaankii shahaadiga ahaa oo si cadaalad ah uga soo  qabsoomay dhamaan dalka jsl waa cududa  ciidan ee uu qaranka jsl doonayo inuu  qof kasta oo shaqaale u noqon kara  dalkan jamuuriyada soomali land inuu soo maro  dugsiga tababarka ee shaqo  qaran


20 jun waxa si cadaalad ka muuqato uga soo qabsoomay dalka jsl imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada 4aad iyo  8aad waxa meesha ka baxday 6 arday ee sumada u ahaa in imtixaanka shahaadiga looga dhigo halbeeg  taas oo wasiirka waxbarashada  prof osman jama aadan uu meesha kasaaray si ardayda fadhiisanaysa imtixaanka shahaadiga ah ay u helaan xuquuq  iyo cadaalad isku mida ardaygii ku noola  noolal dabaqada sare iyo ardaygii ku noola  noolal dabaqada  hoose ah


Tani waa guul waxqabad oo madaxwaynaha jsl uu ku iftiimiyay qorshaha siyaasada waxbarashada dalka jsl waxa sidoo kale u baahan  in la taabto waxqabadka iyo talaabada shaqo ee uu qaaday wasiirka waxbarashada iyo sayniska jsl  mudane profesor osman jama aadan


Wasiirka waxbarashada  jsl waa shamac ka dhex iftiimaya  golaha wasiirada ee dalka marka loo eego xulka madaxwaynaha jsl uu u soo xulay aqoonyahan ruugcadaaya oo ku kalsoon shaqada iyo aqoonta waxbarasho ee madaxwaynaha jsl uu u soo xulay una igmaday wasiirka waxbarashada dalka jsl


WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...