Sidee Bay Xamiido Nin U Heli Kartaa Haab-Keed Ma Haysee? (Abdi-Shotaly).
Reerka Isaaq Ma garanaayo wuxu doonaayo ee waa oodaa rogan iyo in uu sidda carsaan-yadda kolba dhan u cararo, xaal-kooduna wuxu noqday in ay kolba ka jifa-doodu ee haya maamulka, xaaraan iyo xalaal kuu doono ha ku yimaado'e, hadba inta ay isku yihiin jifo, dadka ku maaweeliso dawalad baa jirta, laakiin aanay ka fekerin cawaaqib xumidda iyo cidhbta ay keeni karto.
aniga oo raba in aad ka jawaab-taan su'aasha ku qoran cinwaanka sare ee maqaalkan, waxay sheekadu tahay ama u eeg-tahay maah-maah-dii ahayd " Xamiido nina way rabtaa haab-keedna ma hayso" Sababta aan sidaas u leeyahay waxa ay tahay, waxa aynu ku af-goobaad-sanaa dawlad baanu rabnaa iyo in nala ictiraafo, mana hayno qaabkii ay sidaasi ku iman lahayd, waayo qabiil baanu wax ku xukumaynaa ah anaa kaa mudan, sidda aynu u dhaqnaana aad bay uga fog tagay dawlad-nimo, kumana laha sal iyo raad qaab dhismeed-keedda, oo micnaha runta ah ee qaranimo ma hayno, anaa kaa mudan mooyaane.
Sidaas oo ay tahay, baa hadana been iyo khiyaali ay reer hebel hoosta kaga ladhan tahay,baa aynu isugu sheekaynaa, runta iyo xaqiiqdda marka la sheego-na aan ka naxnaa, haddii aynu nahay reerka isaaq ma jirto wax aynu u ogol-nahay beelaha daafaha Harti (Waa Warsan-Geli iyo Dhulbahante'e) Samaroon, Ciise iyo weliba reerka Gabooye ee gobol kasta dega, misna waxa aynu wax ku siinaa fara-guud-kood oo mid inoo nacamiya sidda " Kooray-sane, Indho-Indho, Saylici" oo iyana aan wax ugu filayn, idinkana waxba aan idiin qaban karin baad weliba u adeeg-sataan, Gabooye isaga hadal-kiisa daa, ilayn dad-ba uma haysa-taane oo waynu is og-nahaye. Beri hore baynu qorsheenay in aynu eryno beelaha daraf-yadda, waxana marag u ah aan markhaati doonayn sidaas, hadalkii uu hore u yidhi askarigga ku dhaawacmay Dagaalka Sool ee la yidhaaho "Nuux Mijo baasto" Kaas oo ahaa kii af-cad ku yidhi " Warsan-Geli ha iska tago, awelba mushahaaro bilaash ah bay gurana-yeene" Weliba ha raaceen qaar kale, isaga oo u jeedda " Beesha Dhulbahante"
Akhristaw maanta baa la hayaa xaqiiq-ddii, oo aanay qof-naba caad ka saarnayn ( Dhulbagante Waa tegay) Ilayn waa loogu tallo galaye, haddii aan la iska indho tirayn, oo wixii aan hore u eednay, ee ahaa reer hebel lagu damba-basayn, mid wax ka jiraan maaha magaca la isu maqaar sarayaa ee ah "Somaliland" Horta halkee buu ka jiraa ee laga raadiyaa? Sawtan ay labadda askari ee kala ah " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo-Shaaximani" Iyo gola-hoodda jaariya-daha oo uu ka soo xushay beel walba kii ugu liitay, siidda Kooray-sane, Bakhti-dhego weyn, Saallo xero keen ( ina cali bile), kitaab yare, Xinif, Hiliblaha Xasan-shahar, Gaafaadhi, Cali Bacaac ( Waa Cali Mareexaane) Nabanaha Maaliyadda U haya, Buuni, ina caga-weyne, Bukhaari, Iyo kuwo uu ugu talo galay,in uu kala jebiyo beelaha uu neceb-yahay, oo ay ka mud yihiin " Daamur, Haad geed waayey ( Ina Xaadhi) Ibrahim Mahdi Buubaa, Dr khal-khal iyo kuwo noocaasi ay itaal baaska hor mood u yihiin. intaas oo isu kaashatay, oo calooshoodda mooyee aan dal iyo dad mina naf u haynin, ma meel laga soo qabto maanta oo lagu badbaadin karo baa jirta?
Maah-maah kale baa waxay ku odhanaysaa " Karis xun iyana wax ku la' " Hadba ciddii wax ku qabtay-ba ha ka daateen, oo ha ku waayeen. Cayn-kaas ay tahay maanta yaa gaadh-siiyey oo loo eersanayaa " Somaliland-tii sidda hilaaca mar inoo soo martay" Aan runta idiin sheego'e. wax burburiyey labadda askari ee aan kor ku Carabaabay iyo inta weli sacabka ka daba garaacaysa, ee xaq darro isku raacaysa, cuno doonka ah,kuwa qabyaalad daba ugu ruxaaya iyo anakaa haysana ee ha ka soo maaleen, waa tii ka daaya la idinka waayey sidaas kuma dhasho'e. Waa su'aale kale'e ka jawaaba,
Maanta halkee xaalku marayaa? Dawlad ma tihiin mise qabaa'il baa meesha ku hirdamaaya? Weedh hore loo yidhi baa waxay ahayd " Mar haddii ay wanaaggii horiyo, weheshiiggii diiday, saw inan dantay waariyaa igu wanaag maaha? Bay leeyihiin beelaha darafyadu, waana dhab oo waxa aynu diidnay siddii ay ku sii jiri lahayd Somaliland, ee ahayd dimuqraadiyad loo siman yahay, ee hadaba ha ku anfacdo anaa Isaaq ah, oo keligay ka diig ah, sidaan doonana ka yeelaaya.
* N.B Mar Haday Wanaaggii Horiyo, Weheshiggii Diiday, Saw Inan Dantay Waariyaa Igu Wanaag Maaha ( Waa Hadalkii Beelaha Daraf-yadda Weeye)!
Qore;- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!