Dagaalka dadkasudan , maxaa u sabab ah ?

0
Saturday April 22, 2023 - 12:00:43 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1033
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalka dadkasudan , maxaa u sabab ah ?

    Waxa uu noqday ciidan (100.000) ah oo balaadhan oo ka dagaalama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu noqday ciidan (100.000) ah oo balaadhan oo ka dagaalama




Dagaalka dalka Suudaan ka socday ee u dhexeeya ciidamada qaranka iyo ciidamada gurmadka deg-dega ah .


Horta marka hore , mid waa ciidankii qarankasudan



Midda kale ee ah ciidanka gurmadka deg dega ah waxaa la sameeyey2013-kii xiligii Madaxweynihii la inqilaabay ee Albashiir oo ciidankan u sameystay in uu kula dagaalamo jabhada badan oo meelo badan dadka ka taagnaa xilligaas oo dagaalosokeeye meelo badan ka socdeen .


Markii danbe ee ay guulo ka soo hooyeen dagaaladii sokeeye , ee ay xasuuqeen qabaa'il badan iyo jabhado badan ayuu albashiir qarameeyay oo uu darajooyin siiyay oo uu drress siiyay oo uu ka dhigay ciidanka isaga u gaar ah oo uu hub iyo saanad iyo wax kasta oo ciidan u baahan yahay ku qalabeeay.


Waxa uu noqday ciidan (100.000) ah oo balaadhan oo ka dagaalama dalka dibediisa oo la kiraysto oo yemen iyo liibiya ka dagaalama oo calooshood u shaqeystayaal ah oo madaxweynaha hoos yimaada oo aan ka tirsanayn ciidanka qaranka oo maamul iyo saraakiil gaar ah leh oo uu madax u yahay xumeediiti .


Hadaba markii uu ciidanka qaranka ka hor yimi madaxweyne albashiir

oo uu taageero iyo is garab taag ka filaayay ciidanka gurmadka iyo in ay safkiisa noqdaan

Ayay waxay taageereen ciidankii qaranka ee doonaayay in ay ridaan madaxweyne albashiir oo xidhaan .


 

Ciidanka gurmadka mar qudha muu ogolaan ciidanka qaranka in uu yahay ciidan qaran oo darajooyinka ay sitaan ee lagu taxay ay sax yihiin .


Iminkana dib u heshiisiintii xukuumadda askarta ah iyo xisbiyadii shicibka ahaa iyo wada hadaladii u socday

Ayaa waxa ka mid ahaa heshiisyadaas in la kala diro mudo 2-bo sano gudahood ciidankagurmadka oo darajooyinkoodana dib loo qiimeeyo oo ay ku biiraan ciidanka qaranka.


Xamiiditii iyo madaxdii ciidanka gurmadka arinkaas way diideen , waanay ka hor yimaadeen .

Khilaaf weyn ayaa soo kala dhex galay 2-dii ciidaniyo hanjabaad iyo waa keena reerka u hadha.

Kadibna waxa ka faa'iidaystay kooxo siyaasiyiin ah oo kala xisbiya oo isku dhiftay oo doonaayay in midkood soo hadha .


Hadabaxumeediti waa kuma ?


ninkan generaalka ka ah ciidanka gurmadka deg dega ?


Xumeyditii waxa uu ahaan jiray nin xarraas geel oo markii danbe ganacsato noqday oo markii danbe ciidan geela u ilaaliya sameystay , marka geela laga soo iibinaayo masar iyo liibiya iyo dalalka ay sudaan la jaarka tahay


Kadibna waxa uu ku biiray jabhadihii dagaalada sokeeye ka qeyb qaatay ee xukuumadda albashiir maal gelisay ee guulaha ka soo hooyay


Kadibna albashiir ayaa ciidan ka dhigay oo derejo ciidansiiyay oo soo dalacsiiyay

Markaa maaha nin ciidan iyo arimihiisa wax ka yaqaana ama nin wax barasho leh oo dugsiga dhexe ayuu kaga saaqiday .


Xaalkiisu waa nin dagaalo sokeeye iyo xasuuq dad ku soo baxay oo ku soo dalacay oo maanta uu noqday generaal ciidan oo dhaqaale badan haysta oo taajir weyn noqday oo dawlado taageersan yihiin oo isu haysta in uu noqday siyaasi weyn ,


dalal kalena daba ka riixayaan oo ka baqayaan in wadaadadii iyo islaamiyiintii xukunka ku soo noqdaan .


Hadabadagaalkan ka socda dalka Suudaan wuxuu noqonayaa dagaal sokeeye oo meelo badan dadka ka gaadha oo ay isla jabaan . ( dagaal qabiil ).


Maalmaha soo socdana waynu eegi doonaa.

 

Cali MaxamedBiixi

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...