Xayawaan Sun Badan Oo 24 Indhood Leh Oo Dhawaan Ay Seynisyahano Heleen
Saynis yahanadu waxa ay
sheegeen in noole badeed leh 24 indhood laga helay balli dhoobo ah, taas oo la
sheegay in sida la rumaysan yahay uu xubin ka yahay nooc cusub oo ka mid ah
bah-kalluunka lagu magacaabo jellyfish oo aad u badan.
Nooc cusub ee ka tirsan
bahda kalluunka jellyfish , ayaa la sheegay inuu leeyahay jidh hufan oo
dhererkiisu ka yar yahay hal inji iyo saddex teendho dheer oo gaadhaya ilaa 10
sentimitir, kaas oo ku sugnaa balli ku yaal Po Reserve, Hong Kong.
Makhluuqan ayaa sidoo
kale leh 24 indhood, oo si siman u qaybsan, kuwaas oo ku yaala gudaha
xubnihiisa dareenka, oo loo yaqaan "rhopaliums".
Bahda jellyfish ayaa ka
yimi magacbixin ku aaddan qaabka jidhkooda, waxayna leeyihiin dabo dhuuban oo
dheer, halkaas oo ay ka soo daayaan sun xooggan oo sababi karta curyaamid,
wadne istaag iyo xataa dhimasho dhowr daqiiqo gudahood ah.
Waxaana bahdan loo
aqoonsan yahay in ay yihiin xayawaan badeedyada dunida kuwa ugu suntan badan.
Koox saynisyahano ah oo
ay hoggaaminayaan baadhayaasha Jaamacadda Baptist ee Hong Kong ayaa kormeerayey
bahdan kalluunka ee jellyfish muddo saddex sano ah, iyaga oo ogaaday in iyaga
oo tiro badan ay ku jiraan oo kasoo muuqanayaan barkadaha lagu kaydiyo nooca
kalluun ee argoosatada loo yaqaan ee Mai Po Nature Reserve.
Nooca cusub ayaa ah
midda keliya laga yaqaan gobolkan, taasoo keentay saynisyahano inay u
magacaabaan magac aqooneedka Tripedalia maipoensis si ay ugu sharfaan meeshii
laga helay.
"Hadda waxaa lagu
yaqaanaa Mai Po oo keliya," ayuu yiri madaxa cilmi-baarista Professor Qiu
Jianwen, inkasta oo uu sheegay in isaga iyo kooxdiisa ay aaminsan yihiin in
noocyadan sida oo kale laga heli karo meelo fog oo adduunka kale ah.
Kooxdan kalluunka ah ee
loo yaqaano jellyfish ayaa ka mid xayawaannada yaabka leh, waxa uu ka kooban
yahay jidh ahaan jidh biyo u badan oo aan lahayn maskax, dhiig iyo lafo.
Saynisyahannada qaar
ayaana qaba inkasta magacoodu kalluun xagga danbe ka wato haddana in aan loo
tix gelin Karin kalluun ahaan.
BBC